shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Amisom oo awood buuxda loosiiyay in ay weerarikaraan Xoogaga ka horjeeda Dawladda.

 (Muqdisho, September 06,  2009 Ceegaag Online) 

Ururka Midowga Africa ayaa awood buuxda u siiyay ciidamadodda AMISOM ee ay horseedka ka yihiin dawladdaha Uganda iyo Burindi ee jooga Soomaaliya in ay weerari karaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo weliba ciidamadda amisom goobaha ay fadhiisinka ku leeyihiin xoogaga Al-shabaab iyo xisbul islaam ee ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Ururka Midoowga afrika ayaa dib u eegid ku sameeyay  Awoodoodda militari  ee ay Ciidamadooda  ku joogaan Gudaha  dalka Soomaaliya, waxaana uu u  ogolaaday ciidamada Amisom  in ay weerari karaan Xarumaha kooxaha ka soo horjeedda dawladda federaalka ee Soomaaliya  sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhiga ee wadanka Uganda oo iyadu haatan hogaanka u haysa ciidamadda amisom

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Uganda Dr Crispus Kiyonga oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Xarunta u ah Ciidamada militarga Cirka ee dalka Uganda ee Entebbe ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Midowga Africa uu u fasaxay ciidamada Amisom in ay weerari karaan goobaha ay ku suganyihiin Kooxaha al shabaab iyo xisbul islaam ee ka soo horjeedda jiritaanka dawladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka  Gaashaandhigga ayaa waxaa intaasi ku daray in Sharciga cusub ee loo fasaxay ciidamada midowga Africa uu macnihiisu yahay in laga hortago weerarada joogtada ah ee lagu soo qaado ciidamadooda iyo in ay yareeyaan dagaalada ka jira dalka Soomaaliya.

Dr Crispus Kiyonga ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo sedax Batalyan oo ciidamada Uganda ay ka soo dhaqaaqeen shalay dalkaasi gaar ahaan magaalada Entebbe iyagoo badalay sedax batalyan oo ciidamada Uganda ah kuwaasi oo dib ugu laabnaaya dalkoodda,  

Dhinaca kale Dr Crispus Kiyonga ayaa ku macneeyay sharciga u fasaxay ciidamada amisom in ay awood buuxda u isticmaalaan Xoogaga Al-shabaab & Xusbul Islam  lagu ansixiyay kulankii deg deg ahaa ee Ururka Midowga Africa ay ku yeesheen dalka Libya.

 www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com