shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xiriirka Al-shabaab iyo Hogaamiyaha Al-Qaacida Shiikh Osama Binladen.

(Muqdisho,  September 23,  2009 Ceegaag Online)

Urur Diimeedka Mayalka adag ee ka dagaalama Somalia ee Al-Shabaab ayaa cadeeyay Maalintii Axada ee Ciidi inay Xiriir Dhaw la leeyihiin Cusama Binladen sida ay Daabacday Maanta oo Talaado ah Wakaaladda Wararka ee AFP,Video Muuqaal ah oo laga soo duubay Tukashadi Salaadii Ciida ee Ururka Alshabaab oo ku tukanayay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa lagu baahiyay in Shiikh Cusama Binladen yahay Wadaad Barakaysan.

Videogan Muuqaalka ah ayaa ka koobnaa 48 Daqiiqo waxaana lagu faafiyay Bog Internet ah oo ay Adeegsato Alshabaab"Labaik Yaa Usama" ayaa waxaa yiri Saraakiisha Ururka Alshabaab oo ka Khudbaynayay Salaadi Ciidka ee al tukaday Maalintii Axada.Eray ahaan waxaa Micneheedu noqonayaa Jumladaasi "Usama adiga ayaan ilaahay kuu baryaynaa" ,Sidoo kale Muuqaalka Alshabaab ayaa waxaa cod ahaan looga soo xigtay iyaga oo leh "Ilaah ayaan aaaminsanahay,Ilaahaw Towxiidka noo xooji,Waan guuleysandoona".

Qirashadda Alshabaab ee xiriirka ay la leeyihiin ninka sida wayn ay reer Galbeedku u raadinayaan Shiikh Cusama Bin laden ayaa Dhabaha u xaaraysa Dagaal diimeedka Somalia iyo heerka uu gaarsiisanyahay Maanta oo Maraykankii uu Duqaymo ka gaysanayo Gudaha Dalka Somalia isagoo ku andacoonaya inuu la dagaalamayo Argagixiso,Sidoo kale arrintaani ayaa dhiiri gelin u ah Dagaalka Jihaadka "Dagaalka Barakaysan" oo ay aaminsanyihiin Al-Qaacida iyo wixii la halmaala.Somalia ayaa waxaa ay saaxiib la noqonaysaa Wadamadda Ciraaq iyo Afghanistan oo ay halakeeyen Rabshado Diinta Islaamka ku qotoma uuna Burburweyni ka jiray tan iyo Intii Reer Galbeedku weerarka ku qaadeen Sanadihiii 2000-2002.

Carab Jihaad doon ah oo ka badan 3000 oo nin ayaa u soo talaabay Somalia iyagoo ka so Gudbaya Gacanka Carbeed,Carabta Jihaad doonka ah aaya Somalia u soo aadaya Dagaalka Jihaadka iyagoo Martigelin ka helaya Ururka Al-shabaab oo Dagaal adag kala soo kala soo horjeeda Dowladda uu hogaamiyo Wadaadka Qunyar socodka ah Sharif sheikh Axmed iyo Ciidamadda Nabad ilaalinta ah ee AMISOM kuwaasi oo horusocod u ah Qorshayaasha Reer Galbeedka ee Somalia.

Alshabaab ayaa ka taliya Badi Goboladda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia waana Koox aad u mayal adag oo aaminsan inay wado saxa ku socdaan kuwaasi oo Goboladda ay ka taliyaan Dadka ku dhaqa Shareecada Diinta Islaamka.Gobolada ku teedsan Koonfurta iyo Bartamaha somalia ee Ururka Al-Shabaab ka taliyo waxaa Maalin kasta ka dhaca Xukuno ay sheegaan inay ku salaysanyihiin Diinta Islaamka Sida,Gowrac-Gacangoyn-Xirida Shaneemoyinka,Qaadashada Xijaabka si Haweenku isu asturaan iyo Mamnuucida Mukhaadaraadka.

Alshabaab ayaa ku eedeya Dowladda Somalia inay tahay Mid aan sharci ku socon oo Fulinaysa Danaha Gaaladda ee Somalia waa sida ay hadalka u dhigaane iyagoo sidoo kale Cadawga Diinta Islaamka u arka Ciidamadda Africaanka ah ee AMISOM oo ka socda Wadamadda Burundi iyo Uganda,Al-Shabaab ayaa lagu eedeeya inay Laayaan Dadka Soomaalida ah iyagoo sheegaya inay u cuskanayaan Dariiqadda Diinta Islaamka Tus:Dhacdooyin Muuqaal ahaan loo soo daayo ayaa muujinaya Niman Gafuurku u duubanyahay oo Gawracaya "Biraynaya" Dad soomaali ah oo ay sheegaan inay Yihin Jaajuus u adeega Cadawga Diinta Islaamka waxaana Ficilada Caynkaasi ah u muuqdaan Kuwo arxandaro ah oo ka fog Diinta Cadaaladda iyo Naxariistu ku dheehantahay ee "Islam".

 

Si kastoy ahaataba Cadaymaha Muujinaya in Somalia ay joogaan Dagaalyahano Ajaanib ah waxaa ka mida "Abu Mansur al-Amriki" Waa nin Dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Maraykanka waxaana Cajad muuqaal ah oo uu soo diray kaga Dhexmuuqday isagoo la safan Ururka Alshabaab Islamarkaasna Maraykanka ku tilmaamaya Cadawga Islaamka,Abu Mansur Al-Amriki ayaa ku sugnaa Gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia halkaasi oo ay ku xooganyihiin Islaamiyiinta Mayalka adag waxaana uu sheegay in uu la diriri Doono Maraykanka iyo Gaaladda ku soo duushay Somalia isagoo sheegay inuu Jihaad u soo doontay Somalia.Taasi waxaa ka sii daran Markii somalia Dhexdeeda Duqayn lagula Beegsaday Sarkaal sare oo Ka tirsan Al-Qaacida Saalax Cali Nabhaan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya Isla markaasna ay Al-shabaab Qirtay inuu ka tirsanaa Ururkooda Islaamiga ah ee Mayalka Adag.

Isku soo wadda Duubo Somalia ayaa waxaa ka muuqanaysa Ififaalo aad u Mugdi ah oo u eg Bartii Madoobayd ee soo Gaartay Ciraaq iyo Afghanistan Waxaana haatan Somalia noqotay Meel laga Fuliyo Dano kasta oo Wadamo Shisheeye leeyihiin.
 
Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com