shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ahmedu Ould Abdallah oo Maanta ka dagay Magaalada Hargeysa.

 (Hargeysa, September 10,  2009 Ceegaag Online)

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Arrimaha Somalia Ahmedu walad Abdalla iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Somaliland oo kaga hortagay Gagiga Dayuuradaha ee Hargeysa.

Ahmedu walad Abdala markii uu ka soo degay Hargeysa lama uusan hadlin saxaafadda kamana uusan warbixin Qorshaha Safarkiisa uu ku yimi Somaliland hase yeeshe Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland Abdulahi Maxamed Ducaale ayaa saxaafadda uu sheegay in Ujeedka Socdaalka Wakiilka Qaramadda Midoobay ee somalia uu yahay sidii uu ula kulmi lahaa Dawladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland balse ma uusan Carabaabin inuu wadahadalsiinayo Dhinacyada isku haya Talada Maamulka.

Inkastoo aanay meesha ka maqnayn inuu Walad Cabadalla ka qaybqaato Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland oo haatan maraya meeshi ugu xumayd taasi oo keeni karta Gacan ka hadal dhexmara Dhinacyadda Siyaasadda isku haya Hadana waxaa muuqata inay Qaramadda Midoobay Si toosa u faragelisay Khilaafka Siyaasadeed ee Maamulka S/sland .

Waxay noqonaysaa Markii ugu horaysay oo Masuul  QM ka socda Tago Magaaladda Hargeysa ,Balse waxaa horay u tagay S/land Ku xigeenka Ahmed walad Abdalla iyo Madaxa Bani'aadanimada QM ee somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com