shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nicolas-Bwakira"Waa in la Hubeeya DKMG ah ee Soomaaliya si ay uga Adkaato Islaamiyiinta Mintidka ah".
 

(Adis Ababa,  September 19,  2009 Ceegaag Online)

Wakiilka Midawg Africa ee Soomaaliya Nicolas-Bwakira ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa uu war ka soo saaray Xarunta Ururka Midawga Africa ee Magaaladda Adisababa,Warsaxaafadeedkani uu ku saxiixnaa Wakiilka Midawga Africa ee Somalia ayaa lagu sheegay in Loo gargaaro Dawladda KMG ah ee somalia oo Iminka la daaladhacaysa Mintidin Islaamiyiin ah (Al-shabaab iyo Hizbul Islaam).
 
Warsaxafadeedkankan ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Nicolos Bwakira ayaa lagu sheegay "Waxaan ugu Baaqeynaa Beesha Caalamka inay sii labo Jibaaraan Taageerada Ciidamada AMISOM, waxaan u Baahanahay Maalgalin aad u weyn xag Dhaqaale, Maadi iyo Qalab oo Amniga ah" Qoraalka oo sii socda ayaa lagu sheegay hadana "Ma Doonayno in lagu gaabsado Hadalo, waxaan Doonaynaa Maalgalin la Taaban karo".Bwakira ayaa muujiyay inuu ku kalsoonyahay inay Ciidamada AMISOM ka adkaan karaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin oo uu ku tilmaamay "Mintidad".
 
Qoraalkan Maanta oo Sabti ah laga soo saaray Adis-Ababa ayaa waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in Midawga Africa aad uga xuntahay Dhibaatadi ka dhacday Maalintii Khamiista ahayd Magaaladda Muqdisho ee qaraxa lagula Beegsaday Xarunta Ciidamada Nabadilaalineed ee AMISOM,Waxaana Bwakira sidoo kale sheegay inaanay Haboonayn in Wakhtigan laga Aamuso somalia taasi oo buu yiri ka dhigan Burbur ku yimaada Dowladda Taagta daran ee Bilawgii Sanadkaan lagu so Yagleelay Magaaladda Jabuuti.
 
Si kasta ha ahaate Dhismihii Dawladda Sheikh sharif jabuuti loogu soo dhisay ayaa ahaa Isku daygii ugu Dambeeyay oo ay Beesha caalamku ku doonayso In Dowlad loo sameeyo Soomaaliya oo wakhti badan Fowdo iyo Burbur ku jirtan,Inkastoo Dowladda hadda jirta ee Reer Galbeedku taageero tahay mid taagdaran ayaa hadana waxay la tacaalaysaa Ciribtirka xoogaga Islaamiyiinta Mayalka adag oo doonaya inay Taladda ka tuuraan Maamulka Madaxweyne Sharif oo ay ka soo horjeedaan Taliskii Salka Balaarnaa ee ay ku dhisteen 2006 Maxaakimta Islaamiga ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com