shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abaaro Ba'an oo ka jira Dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

(Jijiga,  September 17,  2009 Ceegaag Online)

Wararka Naga soo gaaraya Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa Sheegaya in Bilihi ugu Dambeeyay Deegaanadaasi ay ka jireen Abaar aad u xun taasi oo Dhibaato ku keentay Dadka Reer Guraaga ah ee ay Colaadu u weheliso Abaartan la sheegayo Iminka inay Saameysay Dhulal Badan oo ku teedsan Deegaankaasi.

Gobolka ayaa la daaladhacaya Colaad iyo Dagaallo soo jireen ah oo u dhexeeya Shacabka Gobanimo doonka Dhulka Ogaadeenya(ONLF) iyo Dawladda Itoobiya oo Gumaysi iyo Xasuuq ku haysa Shacabka Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya .Hada ayay u muuqata in Abaartani u sii dheeraatay Colaadi ragaadisay muddo ka badan 1 Qarni.

Abaarta laga soo sheegayo Gobolka ayaa ka dhigtay Dhul Daaqsimeedki Mid saxare u eke ah waxaana Suuley Geed Hoosaado badan sida Cawska iyo Nagadhka oo aad uga baxa Dhulkaasi,Taasi waxaa sii dheer Qiimaha Maciishadda oo aad cirka isugu shareertay isla markaana uu dhulka Ka jiro Sicir barar aad u baahsan oo saameyay Reer Guuraaga iyo Qoysaska Saboolka ah oo aan waxba haysan.

Wararka ayaa Intaasi ku daraya in dhurwaa & Dawaco sumaysan ay dad tiro badan oo reer miyi ah qaniineen iyadoo Dadkii Qaniinyadda Xawayaankaasi wax yeelaysay La geeyay Goobaha Caafimaad ee Magaalooyinka Harar iyo Dirirdhabe.Meelaha lagu sheegay in Bahalahaani Dadka ku qaniineen ayaa waxaa ka mida gobolada Godey,Nogob & Afdheer oo Dhamaantood ka wada Tirsan Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

Isku soo wadda Duubo Gobolkaasi kama jiraan Adeegyo Caafimaad oo dheelitiran,Heer waxbarasho oo Tayo fiican leh iyo Ururo Bani'aadanimo oo ka qeyb qaata Dhibaatooyinka ka dhaca Dhulkaasi taasi oo loo aaneynayo Gumaysiga iyo Dagaaladda Ragaadiyay Deegaanka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya.

Dhibaatooyinka Deegaanka:-

Dhibaatooyinka kale ee laga soo sheegayo Gobolkaasi ayaa waxaa ka mida Deegaankii oo baaba'ay isla markaasna Noqday Mid xaaluf ah oo Engegay taasi oo galaafatay Nolosha Xawayaano Duurjoog ah oo ku noola Dhulka Hawdka ah ee Deegaanka Soomalidu Degto ee Itoobiya.Deegaanka oo xaaluf noqday ayaa waxaa sii dheer iyadoo Xawayaankii ay Gabi ahaanba isaga Suuleen Gobolkii iyagoo u hayaamay Wadamadda Deriska la ah Itoobiya sida Kenya iyo Jabuuti.

Inkastoo Sababta ugu weyn la dhihi karo waa Abaarta iyo Xaalufinta ayaa hadana waxaa Dadka ka faalooda Arrimaha Deegaanku Tibaaxayaan inay jirto Sababo kale oo kuwaasi ka waaweyn oo ay ka mid tahay Iyadoo Dawladda Itoobiya Heshiisyo la gashay Shirkado Baara Saliida.Shirkadahaasi oo Qalab casri ah iyo Mishiino u adeegsaday Jarida Dhirtii iyagoo Doonaya inay Helaan Dhul banaan oo ku filan(Enough Space).

Meelaha ay shirkadahan shisheeyaha ah dhirta ka xaalufiyeen waxaa ugu badan gobolada Dhagaxbuur,Qorahay,Wardheer & Jigjiga, Dad badan ayaa ka digay in hadii ay dabargoynta dhirtu sidan ku sii socoto in guud ahaan Ogadeenya ay noqon doonto dhul saxare ah oo aan geed lahayn.

Dhibaatooyinka Deegaaneed ee Gobolkaasi laga soo sheegayo ayaa Mustaqbalka Dhibaatoyin kale ku keeni kara Cimiladda iyo Nolosha Xawayaanka iyo Dadka Gobolkaasi ku dhaqan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com