shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abaaro Ba’an oo ka jira Degmada Ceegaag iyo Deegaanada ku xeersan + Sawiro.

 (Ceegaag, September 09,  2009 Ceegaag Online) 

Guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaano badan oo katirsan Goboladda SSC ayaa waxaa saameeyay abaar ba’an oo xaalufiyay deegaankii sababayna dhimasho dad iyo duunyoba .

Meelaha ugu daran ee abaartaasi saameysay waxaa ka mid ah Degmada Ceegaag oo ah degmo dad iyo xoolo badan ku nool yihiin isla markaana aanan lahayn biyo joogto ah marka laga reebo biyaha Barkadaha. 

Wariye Cali Cismaan Yuusuf (Cali dhagjar) oo ah Wariye madaxbanaan kuna sugan Magaalada Buuhoodle oo dhawaan safar ku tagay Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda ayaa Ceegaag Online uga waramay xaalada abaaraha ee Deegaankaas isagoo hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan safarkayga kaga baxay magaalada Buuhoodle Waxaa Qaatay Gaadhi yar ujeedada safarkayga ayaa ahayd inaan Wax ka Soo ogaado abaarta kataagan Degmada Ceegaag oo ah degmo siweyn iminka loo dagay oo dad badan oo Reer Guuraar ahi ay isu yimaadaan Xiligan, Guud ahana Dhulkii aan marayey intii aan safarka ku jiray Waa Xaaful Waxaana wadada agteeda jiifay Xoolo badan oo u dhintay abaarta daraadeed Xiligan kataagan Degmada Ceegaag oo ah meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Wariye Cali dhagjer oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi Waxaa markiiba la tigsaday Camaradii aan Watay si aan Qiimeyn ugu sameeyo Abaarta baaxada ay leedahay iyo biyo la,aantu heerka ay gaarsiisantahay dadka Reer Guuraaga ah ayaan la sheekaystay Waxayna ii sheegeen inay Xiligan gabi ahaantiisa ay ka rajo go’een Xoolahoodii.

Intaasi kadib ayaan u Gudbay Magaalada Ceegaag Waxaana kula kulmay Sheekh  Maxamuud Cabdi Jaamac Gaydh oo ah Sheekha magaalada Ceegaag oo iiga waramay Xaalada abaarta ka taagan degmada iyo biyo la,aanta Wuxuuna  ii sheegay inay abaarti Gaadhay iminka meeshii ugu Xumayd oo dadkii Reer Guuraagu Xoolihii ay ka baxeen

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com