shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku saabsan Qaraxi galabta lala Beegsaday Ciidamadda AMISOM.

(Muqdisho,  September 17,  2009 Ceegaag Online)

Maanta ayaa waxaa Qarax lala Beegsaday Xarumaha ay Ciidamadda Nabadilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Xero ciidan oo ay deganyihiin Ciidamadu ,Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay iyo cidda wax ku noqotay Qaraxaasi oo ahaa mid ay fuliyeen Naftood hurayaal Islaamiyiin ah.

Labadan qarax oo ahaa is-miidaamin ayaa aad u cuslaa waxaana loo adeegsaday baaabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa , waxaana lagu abaaray Goob uu shir uga socday Masuuliyiinta DKMG ah ee Somalia iyo Saraakiisha Ciidamadda Nabad ilaalineed ee AMISOM.Afahayeenka Ciidamada Uganda Col Kulayigye oo ku sugan Caasimada Uganda ee Kambala oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Qaraxaasi khasaare lixaad leh u gaystay Ciidamadda Uganda iyo Burundi oo La isku dhoho Amisom.

Col Kulayigye ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ku dhintay Taliye Xigeenkii Ciidamadda Nabad ilaalinta ee AMISOM,Isla markaasna ahaa Taliyaha Ciidamadda Nabad ilaalinta ee Burundi Maj. Gen. Juvenile Niyoyunguriza sidoo kalena wuxuu Sarkaalkani sheegay inuu Dhaawac madaxa ah Qabo Taliyihi Guud ee Ciidamadda AMISOM.

Qaraxani ayaa la sheegay inuu yimid ka dib Markii Labba gaari oo waxyaalaha Qarxa laga soo buuxiyay ay Gudaha u galeen Goob ay shir ku lahaayen Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somalia iyo Madaxda AMISOM oo ku dhextaala Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Xeradda Xalane oo ay ku xooganyihiin AMISOM.Warar Hordhac ah oo aan helayno ayaa Tibaaxaya in ay ku dhinteen Qaraxi Maanta ku dhawaad 11 ka tirsan Ciidamadda AMISOM halka la sheegay inay ku dhaawacmeen in ka badan 30 Askari oo somali ka mid tahay.

Al-Shabaab oo Sheegatay:-

Durbaba Markuu Qaraxu dhacay waxaa Cadeeyay inay ka danbeeyen Ururka Al-shabaab oo Dagaal ba'an kala soo horjeeda Maamulka Sharif iyo Ciidamadda AMISOM iyadoo uu Shir jaraa'id oo Khadka Tellka ah uu Qabtay Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheikh Cali dheere.

Cali dheere ayaa ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay "Istishhaadiyada hore waxay ku dhacday Xarun hooy u ah Saraakiisha kuwa gaalada ah ee Isbaheystay ee lagu Magacaabo NATO iyo kuwa kale ee iyaguna Gaalada Midowday lagu Magacaabo iyo hey’adaha Amniga itaasoo wada jiraa aysameysteen oo ay aad iyo aad ay u ilaalin jireen halkaas oo ay ku sugnaayeen Saraakiil badan oo Cadaan ah oo wadamo kala duwan ah kuwaas oo Somaliya u yimiday inay Xasuuqaan Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed halkaa oo Ilaahey S.W Qasaare ba’an ku gaarsiiyey".

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Xarunta labaad waxay aheyd Saldhiga ugu weyn oo ay daganaayeen Saraakiisha Calooshood u Shaqeystayaasha Gaalada ah kirishtanka ah ee AMISOM halkaas oo ay ka hagi jireen kana Maamuli jireen Gumaadka lagu haayo umada Muslimka ah ee Soomaaliyeed waxaa isla markaa kula sugnaa Xaruntaas Saraakiisha AMISOM uwa Sheegtay Saraakiisha Dowlada ridada ee u Qaabilsan Amaanka kuwaas oo Maleegaayey Qorsheynaayey sidii Ramadaanka Gadaashiisa loo Xasuuqi lahaa umada Muslimka ah Gaar ahaan Mujaahidiinta loo dhibaateyn lahaa u qorsheysanaayey oo shaqadaas ku qeybsanaayey taa oo ilaahey S.W uu fashiliyey ayna ku baaba’een inbadan oo kamid ah kuwii halkaa isugu yimiday oo Shirkaa Magriga ah ku hayey".

Isku soo wadda Duubo Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay u aargudi doonaan Walaalkood Salah Nebhan iyagoo Qorshohoodi ugu Horeeyay Maanta ku Guuleystay.

Madaxweyne Sharif iyo Ra'iisulwasaare Sharmaarke oo Tacsi Diray:-

Madaxweynaha DFKMG ah ee Somalia Sharif sheikh axmed iyo Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa si wadajir ah Tacsi ugu Diray Ciidamadi Africanka ahaa(AMISOM) ee lagu Dilay Muqdisho Maanta.Madaxweyne Sharif ayaa saxaafadda u sheegay inuu ka xunyahay weerarki lagu Qaaday Ciidamadda Nabad ilaalineed ee AMISOM.

Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa yar ka dambeeyey kadib markii uu Isla galabta Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid isaguna baaq u diray dowladaha Reer Galbeedka iyo Africa, isaga oo u sheegay in loo bahan yahay in la taageero DFKMG sii aay ula dagaalanto waxa u ku sheegay Argagaxiso ku soo duushay dalka Soomaaliya.

Ra'iisulwasaare Sharmaarke ayaa sheegay in Gaawaridii isqarxisay Alshabaab ka dheceen xarumo ay leeyihiin Hay'adaha QM.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com