shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muxuu ka yiri Madaxweyne Sharif Shirkii Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay.

(New York,  September 26,  2009 Ceegaag Online)

Doowo

Madaxweyne sheekh shariif Oo Qaybta 1

 

 

 

Madaxweyne sheekh shariif Oo Qaybta 2

Waxaa wali ka socda Xarunta Qaramadda Midoobay ee Magaaladda Newyork Shirkii Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay,Madaxweynayaal Farabadan ayaa halkaasi ka hadlay waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh Axmed,Waa markii ugu horaysay ee uu Madaxweynaha Somalia Sharif sheikh axmed ka hor khudbeeyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay tan iyo Intii uu Xafiiska Qabtay Bishii February Sanadkaan 2009,Khudbada uu jeediyay Madaxweyne sharif ayaa ku aadanayd Warbixin iyo Baaq uu u jeedinayay Beesha Caalamka,Arrimaha uu ka hadlay waxay waxaa ka mid ahaa:-

Cunaqabataynta Hubka ee Somalia:-

Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh axmed ayaa ugu horayntii ka hadlay Cunaqabatayta Hubka ee Saaran Somalia isagoo Qaramadda Midoobay ka dalbaday inay somalia ka Qaadaan Cunaqabataynta Hubka ee Saaran hadda taasi oo la soo rogay Bilowgii sanadkii 1991,Sheekh Shariif wuxuu sheegay in qaadintaanka cunaqabateynta hubku uu muhiim u yahay dib u dhisida ciidamada Amniga ee Somalia wuxuuna yiri " Waxaan ku boorinayaa Golaha Ammaanka inay dib u eegaan qaraarkii cunqabateynta hubka ee Somalia, oo ay naga caawiyaan dib-dhiska hay’adaheena Ammaanka."

Madaxweyne Sharif ayaa sidoo kale sheegay in qaraarkii Golaha Amnigu ku soo rogay Soomaaliya ee hubka looga xanibay Soomaaliya yahay mid Haboona Wakhtigaasi , waxaana uu codsadey Madaxweynuhu in qaraarkaas dib loo eego oo laga qaado cuno qabataynta si aan u dhsiano ayuu yiri awooddii ciidan ee aan lahayn.

      

Burcad badeeda:-

Madaxweynaha Somalia Sharif Shiekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay Dhibaatadda Burcad badeeda Somalia ay ku hayaan Gaadiidka Ganacsi ee isaga kala gooshaya Badweynta Hindiya,taas oo uu ku sheegay dhibaatooyinka waaweyn ee maanta caalamka ka taagan wuxuuna yiri "burcadbadeedu waxa ay ku xiran tahay fawdada iyo amni darida ka taagan dalka Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay haddii xaalka Soomaaliya sida uu yahay sii ahaado burcadbadeeduna waa sii jireysaa, inkasta oo hawgalada burcadbadeedu uu xoogaa yar hoos u dhacay taasna ay ku mahadsan yihiin dedaalka beesha caalamku bixisey, laakiin marna kama aanan suulin in aan u baahanahay dadaal intaas ka sii badan oo caalami ah oo ku saabsan ka hortaga Burcadbadeeda".

Dhanka kale Sh.shariif ayaa Sheegay inay adagtahay in laga adkaado Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya iyadoon waxlaga qaban Xaalada ka taagan Dalka wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey:" Taa macnaheedu waa in Burcadu sii jiri doonto inta Amaanka Soomaaliya uu yahay sida uu hada yahay".

Mar uu ka hadalyey Maraakiibta Shisheeye ee la soo dhoobay Xeebaha Soomaaliya waxa uu yiri: "waxaan aragnay in Burcadu hoos u dhacday sababa laxiriira Dadaalka Caalamiga ah ee Wada jirka ah laakin wali waxaan u baahanahay in Dadaalkaas naloo kordhiyo" ayaa uu yiri Sharif oo hor khudbaynaya Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay .

Ugu Dambayntii Madaxweyne sharif ayaa yabooh waydiistay xubnaha beesha Caalamka ee Madasha ku sugnaa wuxuuna ka dalbaday in Dowladiisu aanay Tabar Dhaqaale u hayn La dagaalanka Burcad badeeda isla markaasna loo baahanyahay buu yiri si looga hortago khatarta burcad badeeda taageero dhaqaale oo dhinac kasta ah,balse Sharif ayaa hadana eedayn dusha uga tuuray wadamadda Shisheeye ee xeebaha somalia keena Qashinka iyo haraaga warshadaha taasi oo uu ku tilmaamay dulmi laga galay Somalida.

Amaanka iyo Dib u heshiisiinta:-

Madaxweyne Sharif oo ku dhexjira Khudbadiisi uu ka jeedinayay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa soo hadalqaaday Dhibaatoyinka Amaan ee ka jira gudaha Somalia iyo Dib u heshiisiinta wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dowladiisu bilawday Barnaamij dib u heshiisiineed oo balaaran oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalka kala soo horjeeda dowladiisa wuxuuna carabaabay in xukuumadiisu xooga horumar ah ka gaartay Barnaamijkeeda dib u heshiineed,sidoo kale wuxuuna sheegay inay jiraan rag wali Duurka ku jira oo doonaya inay ka takhalusaan xukuumadiisa.

Shariif wuxuu sheegay in sababaha ay kooxaha mucaaradku ugu guulaysan la’ yihiin inay ridaan xukuumadiisa ay tahay taageerada dowladiisa ay ka hesho shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM waa sida uu hadalka u dhigaye,isagoo ka hadlaya arrimaha Dibuheshiisiinta ayaa uu sheegay in inkastoo dowladiisu ay sii wadayso hanaankii Dibuheshiisiinta, balse kooxaha Mucaaradka ay ka go’an tahay bur-burinta dowladiisa, Shariif wuxuu sheegay in waqtiyada qaarkood dagaalada kooxaha mucaaradka ay hogaamiyaan dad ajanabi ah. Shariif wuxuu xusay inuu diyaar u yahay inuu sii wado wadahadal uu la galo kooxaha mucaaradka.

Shariif ayaa mar kale yiri "waxan Damacsanahay inaan Miiska wada hadalka lafariisano Dhinacyadan ka soo horjeeda Xukuumada, arintanina waxay dhaceysaa Waqtiga ugu dhaqsahabadan Goor walba iyo Meelwalbana waan ku qabaneynaa si dhibaatada looga saaro Dalkeena" Si kastaba ha ahaate Gabagabadi Warbixintiisi Amaanka iyo Dib u heshiisiina ayaa uu Sheegay in Dalku u baahan yahay Kaalmo iyo Dib u dhis iyo in lataageero Amaanka iyadoo loomarayo Xoojinta Ciidamada Amaanka Dalka iyo in la soo diro Ciidamo Dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika.

Dhaqaale xumada Haysata Dowladiisa iyo Waxqabadkii Xukuumadiisa:-

Madaxweynaha Somalia oo Khudbad aad u dheer jeedinaya ayaa ka hadlay Waxqabadkii Xukuumadiisa iyo Dhaqaale xumida Haysata Xukuumadda uu hogaamiyo isagoona tibaaxay in wakhtigaan xukuumadiisu u baahantahay baahi dhaqaale oo aad u wayn "Dawladda aan madaxweynaha ka ahay waxa ay awooda saartey wax walbana ka hormarisey sidii dalka nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa, iyo sidii loo adkeyn lahaa dedaalada wadahadalka iyo dib u heshiisiinta, iyo sidii gargaarka bini’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan ee Soomaaliyeed".

Shariif ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay waxa uu ugu yeeray canaasiirta Gadoodsan kuwaasi oo uu tibaaxay inay yihiin kuwo doonaya inay Afgambiyaan xukuumadiisa oo aan hadda lahayn tabar aad u wayn" waxayna ka faa’ideysteen muddooyinkii dalku fawdada ahaa, waxaan ognahay in ay safafkooda soo buuxdhaafiyeen dagaalyahano ajnabi ah, canaasirta ajaanibta ah qaarkood waxa ay hayaan jagooyinka ugu muhimsan, ee xarakooyinka gadoodsan, waxaan rabaa in dhegihiinu ay maqlaan oo ku farxaan in ay socon weydey inqilaabkii ay wadeen kooxahaas gadoodsan ee ku kacsan Dawladda Soomaaliya, waxayna Dawladdu awood u yeelatay in ay iska difaacdo arintan ayaa ku timid Fadliga ilaahay, iyo dedaalka Shacabka Soomaaliyeed iyo Gargaarkii aan ka helnay Beesha Caalamka, iyo Midowga Afrika, waxaan u taaganahay adkeynta iyo hormarinta ciidanka Soomaaliya, iyo samaynta ciidanka Badda ilaaliya, si ay uga hortagaan Burcadbadeeda, taas oo khatar ku haysa danaha caalamka ee gacanka cadmeed iyo badweynta Hiniya, waxaana arintaas ka xaqiijinay door muhim ah laakiin waxa ay u baahan tahay ayaa ka weyn".

Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa u dhacayay mid uu ku duqaynayo Kooxaha ka soo horjeeda Xukuumadiisa isagoo qiray in kooxaha ku kacsan Dowlada uu majahara u hayo yihiin kuwo aad looga yaabo dhaqamadooda isagoo sheegay in waxa ka socda Somalia aanay ahayn arrimo Indhaha laga qarsan karo ama la dhayalsan karo waa sida uu hadalka u dhigaye "waxaana la gudboon beesha caalamku in ay ka qaataan go’aan adag oo deg deg ah kaas oo maskax ku dhisan, si aan shacabkayagu u noqon kuwo u xiran una qafaalan kooxahaas xagjirka ah, kuwaas oo dabraaya xoroyada shacabkayaga iyo aayahooda, waxa aan caalamka u sheegaynaa oo aan masraxan aan taaganahay uga sheegayaa haddii aan sidey tahay wax looga qaban, khatarta ka socota Soomaaliya, waxa ay ku danbeyn doontaa mid laga shalaayo, dhibtuna waxa ay wada saameyn doontaa dhamaan dawladaha deriska, kadibna caalamka oo dhan".

Si kastaba ha haate Madaxweynaha ayaa Gabagabadi sheegay in Caalamku dhaqaalihi somalia kala gaabiyay isagoo soo jeediyay saddex qodob oo wax ku ool ah oo kala ahaa:-

1. Xooojinta waaxaha amniga ee Soomaaliya, sida Booliska Maxkmadaha iyo Maamulka.
2. Adkeynta Ciidanka AMISOM iyo in lagu soo siyaadiyo ciimado kale oo badan si uu u dhamaystirmo cadadka la dalbay,
3.Dhamaystirka Beesha Caalamka ee Dhaalihi ay k balan qaadeen shirkii Brussels.

Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com