shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Congo oo xukun dil ah ku xukuntay Ajaanib u dhashay Norwey.

 (Congo, September 09,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Maalinimadi shalay ahayd bilaabatay Maxkamadaynta Tjostolv Moland iyo Joshua French oo ah labba nin oo ah Muwaadiniin u dhashay Dalka Norwey waxaana Maxkamadayntu uga bilaabay shalay Magaaladda ku taala waqooyi bari Congo ee Kisanghani iyadoo lagu soo eedeyay labadani nin Falal dilal iyo Basaasnimo isugu jira.

Maanta oo arbaco ah ayaa Maxkamadda Militaryga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Magaaladda Kisanghani soo saartay Go'aanka xukunka Maxkamadaynta Labadaasi nin waxaana Labada nin ee Tjostolv Moland iyo Joshua French lagu xukumay Dil iyadoo sidoo kale taasi ay sii dheertahay in Dawladda Norway bixiso Lacag magdhaw ah oo gaaraysa (60Million) oo dollar.

Joshua French Da'diisu waa 27, Tjostolv Moland isna Da'diisu 28 waxaana la qabtay Bishii May sanadkan 2009 markii ay dileen Darawalkoodi oo u dhashay Kongo oo maydkiisa laga helay Waqooyi bari Congo iyadoo waliba Dawladda Congo ku eedaysay Nimankaani inay Hub sharci daro ah wateen ayna Dalkooda ka geleen Dambiyo isugu jira, Dhac iyo Kufsi.

Ha yeeshe Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Jonas Gahr Stoere ayaa sheegay inay Dawladda Norway Dadaal dheer u gali doonto sidii lagu sii dayn lahaa Labadaasi nin oo ay uga badbaadin lahaayen Xukunka Dilka ah ee maxkamadda Military ee Kongo ku riday Maanta oo Arbaco ah isagoo intaasi ku daray inay Ragaasi masuuliyad ka saarantahay Xukuumadda Kongo ayna macquul tahay inay Racfaan ka qaataan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo Alexis Thambwe Mwamba ayaa sheegay isna in ay qaabilayaan Wadahadalka Dawladda Norway balse ay cadaynayaan in labadan Nin yihiin  Dambiilayaal.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com