shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhulbahantoow Ma Isdabaqabanaa?

(SSC,  September 20,  2009 Ceegaag Online) 

Marka hore waxay mahad idilkeed usugnaatay Eebe, nawaa fujiyay hanuunka diinteenana ka yeelay Islaam. Marka labaad waxaa ciso iyo sharafle kuwa hanuunka raacay, dhagahana u furay weeleeyayna.

 

Intaas kadib walaalayaal aniga oo ah Maxamuud Ciise Bootaan kana mida jaaliyada SSC ama Dhulbahante ee degan wadanka Ingiriiska khaasatan magaalada London,  ahna  nin jecel midnimada,  horumarka iyo wanaaga rabana inaan arko SSC oo mida maamul iyo kala dambaynale sida kubadana loogu dheelayn isla markaana ka soo horjeeda kana dhiidhiya horumar la’aanta, midnimo la’aanta iyo wax alaale wixii dhib ku ah bulshada xalaasha ah ee SSC ayaan waxaan jeclahay inaan idiin soogudbiyo talo aan aaminsanahay in ay inoo tahay laf dhabar haddii aan qaadano haddii aan qaadan wayna ay dhici doonto mar  aan fahano.

Walaalayaal, waxaan aamin sanahay in qofkasta oo dhiig iyo damiirle kana soo jeeda deegaanada SSC uu lasocdo xaalada  dhabta ah ee ay ku sugan yihiin deeganadii SSC maanta. Waxaad la socotaan in maanta deegaankeenii uu yahay meesha ugu liidata gayiga Soomaaliyeed oo dhan haddii ay noqoto dhanka horumarka, midnimada, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasada, adeega bulshada, ganacsigii  iyo dhammaan wax alaale wixii ay ahaan lahayd in qofku ku noolaado taas oo ma suuliyadeeda ay leedahay bulshada SSC 70%.  

Walaalayaal, tan iyo markii lawaayay qarankii, nidaamkii, kala dambayntii iyo dhammaan hanaankii iyo haybadii dawladnimo ee Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay bulshada SSC ku jirtay kuna dhacday ceeldheer oo ay adagtahay sida looga sooboxo dhankasta oo aad ka eegtid noloshada qofka Ibna Aadanka ahi ku noolaan karo. Waxaa ku dhacay bulshadaas siyaasad xumo, midnimo la’aan, maamul la’aan iyo hogaan la’aanba taas oo runtii ay door wayn ku leedahay dhammaan qaybaha kala gadisan ee bulshadu haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin, hogaanka dhaqanka, indheergarad, aqoonyahaynka iyo dhammaan bulshada oo dhami.

Walaalayaal, taasi waxay dhacday kadib markii aynu ka gaabinay inaynu wada tashano inagoo ah dad walaala ah, kana tashano wixii xal ahaa ee aynu  ku gaadhi karnay horumar iyo inaynu la sinaano bulshada kale ee Soomaaliyeed dhankasta oo noolosha ah. Waxay dhacday tani maalin cad mugdina uusan jirin kadib markii taladeenii, caqligeenii iyo aqoonteeniiba ay ka badin wayday inay ina horboodeen dad aan lahayn aqoon, waayo aragnimo  ku filan isla markaana aynu mooday inay yihiin kuwa xalka wado samaha SSCna ka shaqaynaya. Waxay taladeenii faraha ka baxday markii aynu garan waynay in aynu isunimaadno, wado tashano yeelana maamul xaalaala sihufana ugu adeega bulshada ilaa iyo inta la helayo qarankii Soomaaliyeed markale.

Waxay taladeenii iyo masiirkeeniiba ceelka ku dhacday markii inaga oo maal iyo moodba buuxna aynu caqligeenii u rarnay meelakale oo qayb inaga midahi ay marti unoqdeen cidkale oo iyana cidkale iyo aduunkale marti u ah. Walaalayaal waxay tani dhacday kadib markii inaga oo xag magac iyo xag taariikhba aduunka kule, dhulkeenuna uu yahay mid balaadhan oo aan la sookoobikarin dhankasta oo aad eegtid nimcada Eebe ina siiyay aynu barqo cad nidhi dadkale taladayadii waataase yaa geedka noo saari? Walaalayaal waxay tani dhacday markii inagii aan wax isu quudhiwayne dadkii aqoontalahaana aynu taladoodii raaciwayney ninwalibana uu yidhi qumanahaygaa qoorta iisudhan. Waxay nasiib daro tani dhacday markii ay ina hogaansheen rag aaminsan in aysan iyagu jirin waxna noqon karin haseyeeshee ay cidkale wax ku noqonkaraan. Waxay taladeenii faraga kabaxday markii ay taladeenii ka badan waydey in Garoowe iyo Hargaysa aan ukala gooshno. Waxaynuna wax ogaanay markii dhangada la inagu jiiday ee dhulkii laynaga dhaxlay maalin cad oo mugdi ka dheer.

 

Walaalayaal markii haddaba ay burburtay xukumadii dhexe ee Soomaaliyeed ayaa reer waliba uu ku laabtay deegaankiisii iskuna dayay in uu samaysto maamul, maamulkaas oo ay ku gaadhaan horumar intii lahelayo qarankii Soomaaliyeed markale. Haddii aan nahay Dhulbahante waxaa laynagu xantaa inaynu xilal badan ka haynay dawladii Soomaaliyeed nasiib darose maysan dhicin in rageenii wax ka ahaa dawladii Soomaaliyeed ay deegaankii wax u qabtaan.

Ma jirto inta ogaan kay ah nin fahmay o dhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Geel jiruhu geela waa wada jiraa waana kala jiraa isla markaa deegaankii wax u qabtay haddii ay noqon lahayd xag cusbitaal, iskulaad, biyo deegaanka loo soosaaro haba yaraatee maysan dhicin waxaase dhacday in ragii sariiraha dhaadheer kuu seexanayay in qaarkood ay meelay uhoydaan ay waayeen markii ay ku soo laabteen deegaankii SSC sabtoo ah maysan jirin rag xataa ka dhistay hoy ay u aayaan naftoodu. Waxaa kaloo tani ay nasiib daro inagu dhacday markale oo aynu wax laqaybsanay beelo kale oo aan isugu nimid isir iyo walaaltinimo taas oo an ku dhisnay Puntland. Walaalayaal waxaa inagu habsaday waxaas oo dhan iyo wax lamida, isla markaasna talo la’aanteenii waxay ina dhaxal siisay inana keentay halkaas maanta aynu marano ee xaasaasiga ah.

 

Walaalayaal, haddii beelaha SSC aynu nahay waxaynu 1998 wax ku darsanay beelaha bariga inaga xiga isla markaasna inaga oo eegana in aynu isku ehel nahay ayaynu waxaynu la wadaagnay maamul gobaleed Soomaaliyeed oo ladho Puntland kaas oo lagu dhisay habbeeleed, isla markaana ay beeshu ka qaadatay qayb libaax in la sameeyo maamulkaas ilaa iyo inta lahelayo qarankii Soomaaliyeed ee burburay mudo ku dhaw 19 sano ka hor. Inkastoo beelaha SSC ay aad ugu riyaaqeen maamulkaas qayb libaaxna ka qaateen ayay haddana nasiib daro markale waxay ragii maamulkaas umatalayay beelaha SSC ayay fahmi waayeen kana faa idaysan waayeen o dhaahdii ahayd Soomaaliyeed ee ahayd Geel jiruhu geela waada jira waana kala jiraa. Beelihii maamulkaas wada dhistay oo ay ka mid ahayd bulshada SSC ayay  beesha SSC ka dhaxashay khasare aad iyo aad u badan oo aan saloo koobi karin halka beelihii kale qaarna ay ku gaadheen bash- bash iyo barwaaqo oo xataa ay samaysteen dhammaan sharciyadii iyo laka dambayntii ay bulsho u baahnayd. Waxay beelahaasi ka faa idaysteen odhaahdii waxayna dhisteen jaamacado, nidaam iyo kale dambayn.

 

Wuxuu maamulkaasi ku noqday bulshada SSC odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ileen madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro. Waxaa jira rag ka soo jeeda SSC oo xilal sare kahaya maamulkaas haseyeeshee aan wali fahmin dhibka ka jira deegaankoodii geel ninkale leeyahayna hadhuubka usida. Maamulkaasi waxuu katalinay  deegaanka SSC mudo kudhaw 10 sano wax horumar ahna muusan keenin habayareetee dhankastoo la fiirsho.

 

Waxaa xusid mudan in dhankale uu jiro maamul ka arimaya gobalada waqooyi galbeed ee Soomaaliya kaas oo ku dhawaaqay in kuu ka madax banaan yahay Soomaaliya inteeda kale calankale iyo astaan kalana wata isla markaasna siyaasadiisu ku qotonto wixii ay beelaha woqooyi galbeed daga ay ka dhaxashay gumaystihii qoqobay gayiga Soomaaliyeed oo dhan isla markaasna yidhi waxaad kala leedihiin xuduud xuduudaas oo  kudhaw Garoowe taas oo ah magaalo madaxda maamul Goboleedka Puntland. Maamulkaas midnimodiidka ah Soomaalidiidka ah waxaa iyana ka go nayd in uu beelaha SSC ku rido jaah wareer siyaasdeed isla maraasna uu ku guuleystay inuu helo damiirlawayaal aan aqoon dheeriya lahayn isla markaasna ka dhaadhiciyay in beelaha SSC ay ka midyihiin maamulkaas midnimodiidka ah Soomaalidiid ah. Waxaa dhacday in maamulkaasi dadka SSC uu ka dhaadhiciyo siyaasadiisa qaawan ee midnimodiidnimada ah waxay bulshada SSC 99% isku raaceen in aysan wax mucaahada ah aysan lagalayn maamulkaas lana gali doodin tooshna iskaga ifiyeen. Haseyeeshee uu isagoo adeegsanayaa canaasiir aan lahayn dadnimo iyo damiir toona uu xoog ku qabsaday deegaankii SSC khaasatan Magaalo madaxdii Laascaanood taas oo xaaladii ka siidhigtay calool isku furatay , dadkiina uu ka barakacay deegaankii ganacsigii iyo waxlibana ay xidhmeen.

 

 Intii maamulkaas Puntland ee fadhiidka ahi  uu ka ariminayay deeganka SSC waxay wax badan isku dhaceen maamulkaas Soomaalidiidka ah waxaana jiray in isku dhacyadaasi ay  ku nafwaayeen dad farabadan oo reer SSCya, kuwaas oo le rag iyo dumar xabadu dukaanadooda iyo meelaha lagu shaaho ay ugu tagtay. Waxay labadaas maamul gaadhsiiyeen deegaanka SSC dhib wayn oo aysan marna ilaawi doonin kaas oo ay dhibkiisa ma masuulka yihiin rag labada maamul wax ka ah deegaankana ka soo jeeda isla maraasna labo tuute ukala galiyay dadka SSC xabadana isugu dhiibay, isla markaasna isku dayay inay kala horar sadaan wax garadkii iyo siyaasiyiintii SSC.

 

 Hadaba bidaari sibiq- sibiq bay wax ku gashaaye, markii  ay dhacday in maalin cad lala wareego deegaankii SSC kaas oo ay lawareegeen maamulka Soomaalind  oo ay horboodayeen dad aan deegaanka ku lahayn wax taageero iyo tayo toona deegaankana looga yaqaan Cado Qaatayaal isla markaasna tooda uun ka tasha laguna khasbay in ay deegaankoda iyo maankoodaba soowareejiyan ay dhacday in maamul kaas fadhiidh ka ah ee Puntland ladho uu ka badin waayo in uu dhoho maalin uun baan sooceshan deegaanka SSC. Taasina waxay noqotay mid uun ay dadka SSC ku madadaali nayaan sida marka ilmo caruurahi uu ooyo ay hooyadii  ruxdo oo kale ama bir u tunto si uu ilmahaasi u joojiyo oohinta. Nasiib wanaagse maanta waa fahanay intaasi tahay mala habow xidigohoo maalintii la'arkona ay tahay, habaynkii xalay ahaa oo kale iyo calaacasha oo timo ka soobaxaan in maamulkaasi soodhacsho deegaankii SSC amaba ay dhacdo in inta aan maamulkaas ayb ka nahay aan ku gaadhno horumar dadkeena gaadhsiino nolol fiican oo ay tahay in ay ku noolaadaan. Walina waxaa socota taas taladiina waxay ka baxday faraha, maamulkii Puntlandna wuxuu noqday fadhiid afka noola ah wuxuu yahayna jirin awoodna uusan u laahayn in uu deegaankii dib u xoreeyo haseyeeshee uu ka badan waayay maalin uun baan xorayn taas oo uu ku beer laxawsanayo dadka SSC.

 

Nasiib daro taasi waxay dhacday markii aan wado tashan waynay maamulna dhisan kari waynay talo midana yeelan waynay, dhangadana laysugu keen dhiibay sidii 2 wiil oo usha laysugu dhiibay.

 

Waxay dadka SSC isugu yimaadeen shirar badan oo uu u dambeeyay kii Boocame kaas oo laga soosaaray qotobo dhaxal gala haseyeeshee nasiib daro aan maanta loo jeedin meesha ay ku dambeeyeen. Waxay jira in shirkaas qotabadii laga soosaaray uu fashiliyo hal qodob kaas oo ahaa in Puntland gacan ka gaysato dib uxoraynta deeganka SSC. Waxaa markaas dadbadani ku eedaynayaan maamulkaas Puntland in ay qabsashadii SSC ay wax badan ku lahayd ogaydna isla markaana meelakale amaro adag laga siiyay taas oo aysan marna Puntland diyaar ugu ahayn dib uxoraynta SSC.

 

Nasiib daro tani waxay dhacday markii dusheena lagu shaxay maalin shirkastoo aan yeelana aan ku fashilanay inaan yeelano maamul Puntland waxa ladhahana uga tashan waynay inagoo farta isug fiiqana uun in khatarta qudhahi ay tahay inagoo iska dhawrna Soomaliland, Puntlandna aan marna ka hadal kana hadhin ka mid ahaanshaheeda.

 

Waxaa jira Shir balaadhan oo beelaha SSC ay rabaan in ay isugu yimaadaan magaalada Nariobi ee caasimada wadanka Kenya si ay aayohooda uga tashadaan iyo sidii laga yeelilahaa deegaankii SSC oo runtii ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka midyihiin abaaro ba’an oo aan horay loo arag. Shirkaas waxaa wada dadka ka dhiidhiyay dhibkaas aan soo sheegnay isla markaana raba inay helaan karaamadii iyo sharafkii beeshu lahayd markale. Inta jecel wanaaga, midnimada iyo horumarka SSC waxay u hanqaltaagayaan shirkaas iyagoo aaminsan in lagu gaadho xal kama dambaysa talo midana lahelo.

 

 Hadaba Maxaa Xala Maanta?

 

Walaalayaal taladu inaguma noola ee inagaa kunool sidaa daraadeed maadaama aan kawada dharagsanahay meesha ay talo la’aanteenii iyo midnimo la’aanteenii ina dhigtay maanta waxaa inagu waa jiba in aan kawada qayb galno Shirkaas Nairobi haddii Allah  idmo. Waxaan ugu baaqayaa dadka wax garadka ah, aqoonyahan, siyaasiyihin, Garaadada iyo cid alaale ciddii ay taladeedu ka godo deegaanka SSC  inay u diyaar garownaa shirkaas isla markaana taageernaa wixii ka soobaxa shirka.

 

Maxaa Haboon Inshirkaas ay inooga soobaxaan?

 

Walaalayaal, aniga oo ah Maxamuud  Ciise Bootaan waxaan sameeyay rayi ururin taas oo aan ka sameeyay meelkasta oo aduunka ah oo ay kunooshahay bulshada SSC aniga oo istic maalaya telephone, email, waji-waji si aan u ogaato bal waxa ay maanta beeshu isku raac santahay. Waxaa iisoo baxday in maanta Dhulbahante Ilaahay fadlii ay ka go’antahay in uu yeesho talo mida isla markaana lahelo maamul xalaala oo ka sara duliga iyo dhibka afafka badanle ee ka jira SSC deegaankeedii waxaana aan hayaa 98% in dadkaasi rabaan  in ay yeeshaan maamulkooda ilaa inta lahelayo qarankii Soomaaliyeed markale. Walaalayaal taas waxaan odhan karnaa waa guul. Haseyeeshee waa inaynaan ka sii hordhicin waxa shirkaasi ku dambayn doono isla markaana raacnaa waxa ay inoo waax yoodaan wax garadkeenu iyo inta jecel wanaag beesha ee jooga shirka taladana soosaarta. 

 

 

Waxaa jira dad yar oo ku dhahaya Dhulbahante ma yeelankaro maamul waayo waxay u daliishadeen cuskadeena 3 qodob kuwaas oo kala ah 1, in Dhulbahante uusan lahayn dakad, 2, in haddii Dhulbahante uusamaysto maamul ay iyagu iscunayan 3, in aysan awod u lahayn in ay dadka haysta iska dhiciso, isla marakaana ubaahantahay garabkale.

 

Haseyeeshee 3dexdaas qotob jawaab bay leeyhiin fiican kuwaas oo ah sidan,

 

1, In  ninkii haysta lacagtiisa talo midana haysta ma jirto cid wax udiidaysa inay ka gado badeeco isla markaana adaa cidkasta farta ugu yeedhan. Waxaadna ogtihiin aduunka in  ay jiraan dalalbadan oo aan lahayn dakad iyo meel ay wax uga soodagaan sifiicana unool, lana nolala mushtamaca aduunka kunool waxaana wadamadaas kamida Itoobiya oo aynu jaarnahay  Afganistaan iyo wadama kale oo farabadan,

 

2, In aysan beeshu isku dhacayn oo ay helayso kala dambayn isla marnaa ninkii nin dila aan la aasin ilaa lasooqabto  dhagtana dhiiga loodaro lana wada aaso, xuduudka Eebana laraaco.

 

 3, In Beeshu taariikhdeedu sheegayso haddii ay noqoto wax iska dhicin isla markaana aysan uluq-luqaanayn  cidkale hadii ay cudud midaysan, talo mida yeelato iyo qacli saliibaba.

 

 

Maxay Qaadanaysaa Inaan Maamul Kusamayno?

 

Wax badan maqaadanayso Dhulbahantow inaan maamul xaalaala oo danteena ka shaqeeya dhisano haddii aan isu sheegno runta, qalibagana isufurno, sidii dad walaala ahna gacanta isqaabsono, cod mida iyo talo midna yeelano.

 

 Haddaba walaalayaal si aan maamul u dhisanaa waa inaan helnaa oo kaliya qodobada soosocda,

 

 Kow waxaan u baahanahay oo kaliya waa in aan dhisno maamul ku yimid tolo loo dhanyahay,talo loodhan yahay markaan leenahayna maaha uun 1 ama 2 shaqsi inay dhahaan ma taageerayno ee waxaan ula jeedna wixii loo badan yahay  iyo rabitaanka dadka  isla markaana helno 3,000 ciidana oo boolis iyo milataribale xoreeyana dhulka ku waas oo biilkooda ay qaadayaan qurbajoogta oo kaliya ilaa inta aduunku inoo biilayo aan ka gaadhno ama qaran Soomaaliyeed oo dambe.

 

Labo waxaan u bahanahay Dhulbahantow inaga oo ninkii nin dila aan loogu yeedhin halyay, dhabarkana la marsan ee loogu yeedho ninkii naftiisa haligay, walaalkiina dilayow isla markaana aan la aasin ka ladilay ilaa kaas la sooqabanayo wax dilay, ciddii taas u hogaan sami waydana laysugu tago sharcigana la marsiiyo. Ilaah baan ku dhaarane in aysan jiri doonin nin ninkale taabta haddii taas lasameeyo laguna dhaqmo taasina waa xuduudka Eebe. Nolosha fureheeduna taas buu ka bilaab maa horumarna lagu gaadhaa aduun iyo aakhiraba.

 

Sadex in aan helno baabuurtii dhaawaca, kuwii qashinka, iyo wixii lamida. Intaas baa Dhulbahantow aan ka dhimananaa inaan gaadhno.  

 

Sidaa daraadeed waxaan shaki ku jiran in duliga, talaxumada iyo hogaan la’aantani ay ina wadan doonto ilaa iyo inta aynu ka fahmi lanahay in aan sameyno maamul ka sheqeeya danta SSC isla markaana ka madax banaan kuwa dhibka ukeenay SSC ee godka ku hubsatay ama ha adaadeen kuwo inaga mida maamulada dhinacyada inaga kala xiga ay wataan oo wax alaale wax ay ku sookordhiyeen deegaankeena aysan jirin ilaa dhib maahee iyo maamuladaas oo runtii aynu fahanahay in midwaliba yahay kud kaguur oo qanjo uguur isla markaana aynu fahanay dhagaro badan oo aynaan horay u hayn.

Waxaa jira in maanta aduunku ina ogaaday kadib mudo kudhaw 1 qari oo aynu dagaal gobonimo doona ku jirnay. Waxaa xusid mudan  lanawada ogsoonyahay in maanta markii aan aduunka hordhignay arimaheena ay dhammaantood dheheen oo miyadan helin xuquuqdiinii taas oo aanu idin soomarkiisan jiranay Garoowe iyo Hargaysa? Ayna inoo sheegeen in ay tani tahay markii uhoraysay ee ay arkaan dadka SSC oo udoodaya Xuquuqdooda. Waxayna kaloo sheegeen in Goroowe iyo Hargaysaba ay ugu sheekayn jireen in Gobolada SSC ay yihiin meelo aan lagalikarin oo habaaran isla markaana haddii ay toos u abaaran ay dhib dadkaasi kala kulmayaan . Arintaas iyo arimo kale oo badani waxaa sheegay hayadaha gargaarka kuwa amniga iyo dhamaan urarada dawliga ah ee ka jira caalamka kadib markii ay dhawaan kulmeen  ururka NSUM iyo garaadka Guud ee SSC mudane Garaad Jaamac haayadahaas magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.  

 Nasiib daro tani waxay dhacday markii aan samayn waynay maamul inoo gaara taladeeniina cidkale u dhiibanay.

Taasi waxay ina tusinaysaa in geeleenii dusheena lagu maalayo oo aynu waxaan la socono habayareete jirin kuwii maamulada Puntland iyo Soomaliland ku jirayna waxay ogyihiin iyo talo lawaydiinayo majirto aan ka hayn in shilinkooda looduuro baryo dheer dabadeed.  Sidaa awgeed waxaa lagama maarmaana in aan waxaas oo dhan intaynu dib u fiirino aan ka faa’idaysano taladeena geedka saarano isla markaana yeelano talo mida iyo maamul inoo gara. Haddii taas aan samayn wayna waxaa dhici doonta in taladeenii ceelka lagu riday ay ku siidhagi doonto sagxada dhoobadana hooska mari doonto.

Walaalayaal si aysan taasi markale udhicin sagxadana ugu siidhagin waxaa lagama mamaar maana in aynu isdaba qabano kana faa’idaysano odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Cano qubtay dabadood laqabay samaysanana maamul iyo hogaan daacada oo inaga saara dhibkaas haddii aan ka faa’idaysan waynay odhaahdii kale ee Soomaaliyeed ee ahayd Geel jiruhu geela waa wada jiraa waana kala jiraa oo aan ragii aan wax ku darsanay aan gaadhi kariwaynay. Isdaa awgeed waxaan markale uqu baaqayaa wax garadka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, culima- awdiinka  Garaadada in ay ka qayb qaataan shirka SSC ee lagu wado in uu dhoco 03/10//09 haddii Eebe idmo ayna ka dhabeeyaan shirkaas keenana xalka si xilkasnimale taageeraana wixii xalku noqdo ee ka soobaxa shirka ninkii taas yeeliwaayana ay taariikhdu qaybta madow kaga lifaaqi doonto maanta wixii ka dambeeya.

Waxaa kaloo Dhulbahantow muhiima inaan fahano in ninkii diida danta guud, masiirka SSC iyo wax alaale wixii danta SSCya isla markaana codadka looga bato  darajaduudoono hawatee sida Siyaasi, Garaad, Wadaad ama wax garadba in aynu tooshka ku ifino. Danta SSCna ayaan 1 ama 2 qof waxay sheegaan loojoojin,ee hala eego halka codku u badan yahay.

Waa in aan maanta wixii ka dambeeya danta guud usoo jeensanaa kana hadhnaa danta shaqsiga ah iyo mid qofgaara oo wixii sa lagu taageero.

Haddii aan Dhulbahantow taas fahmi wayna waxaa  dhici doonta inaan ku dambayno sida Kurdistanta ay dalkeedii qaybsadeen Iraaq, Iiraan, Turki iyo wada makele oo badan. Waxaa kaloo dhici toonta in aan ku siijirno labadaas dibi ee geesaha isla dhacaysa ee dadkeenu ku dhex dhimanayaan iyo in boqolaal wiil aan odhan doono hebel iyo hebel ay ku dhiman doonaan si macna dara ah iyadoo usha laysugu keen dhiibayo inagoo xidhan 2shaad oo aan dani inoogu jirin marnaba.

Gabagabadii waxaan Ilaahay inooga rajeyn in uu inaga saaro talo’aanta ina haysata, abaaraha jira iyo in dhulkeenii uu taladisa markale gacanteena soo galiyo isla markaana uu noqdo shirkani ka keena xalka umada SSC quluubteena mideeyo.

Guul iyo gobonimo...

 Wixii dheeriya igala soo xidhiidha mib994@hotmail.co.uk.

 By Maxamuud Ciise Bootaan.

Note: Figrada uu Qoraalku Xambaarsan yahay waa tan qoraaga, Ceegaag Online way ka madax banaan tahay, wayse soo tabinasaa uun Fikirkaa ka soo maaxday walaalkeen Bootaan.

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com