shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku saabsan Diyaarado lagu hayo Magaaladda Gaalkacyo.

 (Gaalkacyo, September 08,  2009 Ceegaag Online) 

Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Maalinkii shalay laba diyaaradood oo burcadbadeed tiradoodu gaarayso 23-qof geeyay degmada Garacad ee Gobolka Mudug, kana soo qaaday halkaas muwaadiniin u dhashay dalka Schycles.

Diyaaradahan oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa markii hore sheegay inay wadaan gargaar aadamnimo, laakiinse markii danbe lagu ogaaday inay ku lug lahaayeen howlo la xirrira Burcad badeeda Wararka aan ka helayno Gaalkacyo ayaa tibaaxaya in Mid ka mida Diyaaradahan ay Puntland Qabatay uu leeyahay Ganacsadaha Caanka Jaamac Buluug.

Marka taasi laga soo tago , Wasiirka Deegaanka iyo Biyaha Dowlada Siishalis ayaa sheegay Maanta oo Talaado ah inay wada hadal kula jiraan Mas'uuliyiinta Maamulka Puntland ee Soomaaliya sidii loo sii deyn lahaa 3 muwadiniin oo dalkaasi u dhalatay, 5 qofood oo Kenyaati ah, iyo labo qofood oo u kala dhashay Dalalka Ingriiska iyo Australia kuwaas oo saaran Diyaaradaha Puntland ku hayso Gaalkacyo.

Dowlada Siishalis waxay horey warbaahinta ugu sheegtay inay kooxo burcad badeed ah oo ay hayso kuwaasoo ka badan ilaa 23 inay ku badalanayso 3 muwaadiniinta dalkeeda ka mid ah oo ay haystaan kooxaha burcad badeeda taasina waxay ka dhabeeyeen axadii markii Deegaanka Garacad ay ka dejiyeen burcad badeedii ay hayeen kadibna ay halkaasi ka soo kaxeysteen 3-dii dalkeeda u dhalatay balse nasiib xumo diyaaradaha oo la sheegay inay shidaalkii goosteen ayaa si lama filaan ah uga degtay Magaalada Gaalkacyo halkaasoo Ciidamada Puntland ku qabteen islamarkana ay xabsiga u taxaabeen.

Dhanka kale Dawladda Puntland ayaa shaacisay in ay diyaaradahan wateen dad sharci daro ku soo galay Deegaanada Puntland, isla markaasna ay ku jiraan dadka naas-nuujiya Kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ah ee lacagaha uga keena dalalka aduunka ee ay ka qabsadeen Maraakiibta iyo Shaqaalaha Saaran.

Xukuumada ayaa sheegtay in ay maxkamad horkeenayso dhamaanba dadka saaran diyaaradahan oo ay tiradooda ku sheegtay 10 qof, oo iskugu jira Laheystayaashii lasoo qaaday, Duuliyaashii dayuuradahan, Dulaaliintii burcadda iyo dowladdaha wada hadalsiiya iyo Shaqaalaha diyaaradaha, waxaana dhamaantoodba ay sheegtay Puntland in ay sharciga marin doonto.

Puntland ayaa sheegtay in Duuliyayaasha  lugu heysto inay dambi ka galeen Gobolka isla markaasna ay Diyaarad ka dajiyeen Meel aan garoon ahayn oo aysan Ogayn Puntland iyo soo qaadida dad ku jira dambiyo waa weyn oo ay ku jiraan Burcad-Badeednimo iyo qodobo kale oo khuseeya hawada Puntland, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamad.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in Dulaalayaasha lagu haysto Dambi aad u wayn marka la eego kuwa kale maadaama ay masuul ka yihiin Badashadda Burcad badeeda Soomaalida, waxaana Puntland ku eedaysay Dadkaasi inay ka dambi badanyihiin Burcad badeeda.

Isku soo wadda Duubo Xaajadda Diyaaradaha ayaan la ogayn halka ay caga dhigandoonto maadaama ay Puntland ku adkaysanayso Maxkamadaynta shaqaalaha saaran ayna Diyaaradihi Wali fadhiyaan Gegiga Dayuuradaha Magaaladda Gaalkacyo Waxaase xusid mudan in ay tahay markii ugu horaysay ee arrintaani oo kale ka dhacdo Geyiga Puntland 

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com