shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muran iyo Buuq hareeyay Fadhigii Barlamaanka Maamulka Somaliland ee Maanta.

 (Hargeysa, September 08,  2009 Ceegaag Online) 

Wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in maanta Fadhigii Golaha Baarlamaanka Somaliland uu ka dhashay Buuq iyo Sawaxan Markii ay gudagaleen Mooshin xilka looga xayuubinayo Madaxweyne Riyaale iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Warar hoose oo aan helnay ayaa tibaaxaya in Shir gudoonka Wakiilada Somaliland uu mudanayasha soo hor dhigay qodobka xil ka xayuubinta Madaxweyne Daahir Riyaale iyo in laga doodo, isla markaasna garyaqanka golaha wakiiladdu qodobadii sharciga ahaa ee taagerayay uu sheegay, ayaa waxa madashi golaha qaylo iyo sawaxan kala dhex kacay Xildhibaano ka tirsan Xusbiga talada haya ee UDUB ,Waxaana dagaal gacan laysula tagay uu dhex maray xildhiban Muxaafidka ah iyo Mid mucaaridka ah ,iyadoo wararka qaar sheegayaan in Xildhibaanka Muxaafidka ah oo lagu magacaabo Cabdi xoog uu Bastolad kula soo baxay Golaha Dhexdiisa.

Intii lagu jiray Fadhiga Golaha Wakiilada ee Maanta Buuqa iyo sawaxanka dhaliyay ayaa La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu Golaha ka hor sheegay in labada Mooshin ee Xil-ka-xayuubinta Madaxweynaha iyo Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha oo ay soo kala jeediyeen Mudanayasha Mucaaradka iyo Muxaafadku uu midka hore yahay sharci, loo baahan yahay in laga doodo, halka ka dambe ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golahana uu tilmaamay inay awood u leeyihiin oo kaliya Gudida joogtada ah ee Goluhu Balse taasi ayaa keentay inay foodo abuuraan Mudanayaasha Xisbiga UDUB ee muxaafidku.

Ciidamo Booliis ah ayaa xoog kaga saaray Golaha Xildhibanadi Dirirtu dhexmartay waxaana Goobti ay Wakiiladu ku shirayen la wareegay Ciidamadda Booliiska oo ay taageerayan Ciidamadda Militerygu kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanyihiin Madaxtooyadda Hargeysa.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com