shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

TAGEERADA SIYAASADA NABADEED  EE DAWLADA

MADAXWEYNE SHARIIF SHEIKH AXMAD.

(PHOENIX AZ,  October  01,  2009 Ceegaag Online)

Kulan ballaran oo ka dhacay Xarunta dhexe  Ururka “SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL”  ee Phoenix, Dawlad Goboleedka Arizona, ayaa waxaa isugu yimi dhammaan xubnaha Ururka, Guddiga Maamulka, Golaha Horumarinta Dumarka , indheergaradka iyo hogaanka Ururada bulshada ee Jaaliyada.

           

Xushmada furitaanka iyo soo-dhoweynta kulanka ka dib waxaa halkaas ka hadlay  Gudoomiyaha Somali American United Council-ka Professor Maxamad Cali Abuukar oo kasoo laabtay safar gaaban uu ku tagay New York iyo Xarunta Qaramada Midoobay.

Halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Ummada Somaliyeed Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmad iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo. Professor Maxamad Cali Abuukar, wuxuu dhammaan ka qayb-galayaasha kulanka u gudbiyay SALAAN DIIRRAN oo kal iyo laab ah ee uu uga siday Madaxweynaha Ummada Somaliyeed Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmad.

           

Wuxuu kaloo Jaaliyada Arizona la socodsiiyay in Dawlada Somaliyeed ee uu hogaaminayo Mudane Sheikh Shariif ku hawlantahay sidii nabad iyo is-fahan looga abuuri lahaa dhamaan Ummada Somaliyeed meel kasta ay joogtaba, iyadoo wada hadal daacad ah lala galayo cid kasta oo daneeyneysa jiritaanka Qarankeenna, ehelna u ah  sahanka nabadeed oo ay Dawladu horseedeyso.

                

Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ugu yeerayaa dhammaan Jaaliyada Somaliyeed ee Waqooyiga Ameerika tageerida siyaasada Dawlada iyo ka qayb-qaadashada dib usoo noleeynta iyo dib-U-Dhiska Qarankeenna Somaliyeed; sahankuna waa: Is-fahan iyo Isu-tanaasul Nabad noo-horseeda, iyo u helanaanta Dawlad-Wanaag barwaaqo iyo baraare innoo-wada horseeda.

                   

MOHAMED ALI ABUKAR, Ph. D
Founder & President, SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL OF AZ
2425 E. THOMAS RD – Suite 11, PHOENIX, AZ 85016
Ph: (602) 522 2100; Fax: (602) 667 9700; Cell (602) 710 6911 (V)
Website: www.somaliauc.org

webmaster@ceegaag.com