shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir looga Hadlaayo Colaadi Gobolka Bari oo Maanta lagu Qabtay Magaaladda Boosaaso.

(Bosaaso,  Oct  21,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta lagu Qabtay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Shir balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Odayaal ka kala socda Beelo dhawaantan ku dagaalamay Deegaanka Igdhays ee Gobolka Bari,Masuuliyiinta Xukuumadda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa,Muhiimadda Shirka ayaa ahayd in Go'aamo hordhac ah laga soo saaro Heshiishka Beelihi ku Dagaalamay Gobolka Bari.
 
Khudbado kala duwan ayaa laga Jeediyay Madashi Maanta kulanku ka dhacay Waxaana dadkii ka hadlay Ka mid ahaa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadley amniga iyo faa'idada uu leeyahay isaga oo digniin u direy shacabka soo dabagala shaqsiyaadka hay'adaha amaanka u qabtaan danbiyada ay galaan.Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha Puntland ayaa Saxaafadda u qaybiyay Nuqul ku saabsan Heshiiska Labadda Beelood waxayna u qornayd Sidatan:-
 
Go’aanka Gudiga Dawladda:

Iyadoo ay himilada dowladdu tahay inshacabka Puntland ay nabad ku wada noolaadaan, mabda’ahaana aan lakala sheegan kari dhul iyo deegaan, taasoo ah saldhiga dawladnimo.
Deegaanka xijiyadu wuxuu leeyahay curfi gaar ah oo soo jireen ah, dawladda Puntlandna ay aqoonsantay.
 
Xaaladahaas oo idili waxay iftiimiyeen wadciga ka jira deegaanka Igdhays, sidaas darteed waxaa dawladu gaartay go’aamada hoos ku qoran:-
 
1. In aan la aas aasi Karin degaan cusub iyadoo aan dawladda ogolaansho laga helin.

2. In Igdheys aanay noqon Karin goob deegaan, ayse tahay goob daaqsimeed.

3. In la bur buriyo labada berkadood iyo saddexda qol ee hadda ka dhisan.

4. Dadka leh oo ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan (dhismayaasha iyo berkeda) waa inay dib ugu noqdaan tuulada Dharjaale oo ay horay uga soo guureen ama ay ku biiraan meelaha kale oo la degan yahay.

5. Kharashka ku baxa burburinta berkedaha iyo qololka iyo weliba mag-dhawga qiimaha ay ku ceen waxaa wada jir u bixinaya dadkii meesha degay iyo dawladda, sababtoo ah waxay wadaageen masuuliyadda dib uga soo noqoshadii goobtii loo cayimay oo ahayd 5 km.

6. In goobta dhismaha iyo berkaduhu ku yaaliin si ku meel gaar ah loo dejiyo ciidamada amniga kuna nagaadaan inta nabaddu taaba gal ka noqonayso.

7. In beesha Cali Jibraahiil ay ku ekaato tuulooyinkii ay horay u deganaayeen sida Moqor iyo meelaha kale ee ay degan yihiin.

8. In degaamadii horay loowada degenaa si nabad gelyo ah loogu wada noolaado.

9. In wixii dhimasho,dhaawac iyo dhibbaan kale ee lakala sheeganayo gogol la isugu soo hor fariisto iyadoo ay dhex dhexaadinayaan gudi ay xukuumaddu magacawday.

10. In ciddii ku xad gudubta xabbad joojinta hadda jirta ama u hogaansami wayda go’aanka dawladda la cisaaaridoono iyadoo fidmo walayaasha iyo cid kasta oo lug ku yeelata fidmo colaadeed oo dambe la hor keeni doono maxkamad, wixii kharash xukuumada ka baxayna ay dushooda noqon doonto.

11. Tiknikadii dagaalka lagu galay ee sida gaarka loo leeyahay waa in gacanta dawladda lagu soo wareejiyaa.
 
WAMAA TOWFIIQII ILLAA BILLAAH
Dr.
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
Madaxweynaha Puntland

 

 

webmaster@ceegaag.com