shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sh.Aadan Madoobe"Heshiiski Badda waa la qaadacay Dibna looma soo cusboonaysin karo"(Dhagayso).

(Muqdisho,  Oct  15,  2009 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya Sheikh Aadan Nuur Maxamed(Aadan Madoobe) ayaa Maanta shir kula yeeshay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia Guddi hoosaadka Baarlaamaanka DKMG ah ee Soomaaliya(Guddiga Joogtadda ah) isagoona Kulankaasi kaga hadlay Arrimo dhawr ah oo ay ugu horeeyaan Heshiiski Badda ee ay wadda gareen shan bilood ka hor Dawladdaha Kenya iyo Somalia iyo Wakhtiga uu dhacayo Kalfadhiga Baarlamaanka Somalia oo gabaabsi noqday Wakhtiyadi ugu Dambeeyay.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa saxafiyiinta shir jaraa'id u qabtay markii uu shirkaasi soo dhamaaday wuxuuna kaga hadlay warar sheegayay in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay damacsanyihiin inay dib u soo nooleeyaan heshiiskii badda ee Soomaaliya iyo Kenya " Ma jirto wasiir iyo cid kale oo soo celin karta heshiiskii Badda ee uu Baarlamaanka diiday , heshiisaas waa la qaadacay loomana soo celin karo dib dambe " ayaa uu yiri Sheikh aadan Madoobe oo si kulul u hadlaya.
 
Si kastaba ha ahaate Heshiiski uu la gaaray Dawladda Kenya Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee DKMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa dhaliyay Muran iyo Buuq badan Ka dib markii Baarlamaanku diideen.
 
Halkaan ka Dhagayso G-Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe oo ka hadlaya Heshiiska Badda:- dhagayso

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com