shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-Shabaab oo Maanta soo bandhigay Gawaadhi iyo Ciidamado ka soo goostay DKMG ah ee Soomaaliya

(Muqdisho Oct  06,  2009 Ceegaag Online)

Halkaan ka dhagayso

Ururka Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Somalia ayaa Maanta magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia ku soo bandhigay Gawaadhi iyo Ciidamado ay sheegen inay ka soo goosteen Dawladda KMG ah ee Somalia, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saxaafada u soo bandhigtey gaadhi kuwa ciidanka Bileyska DKMG ah leeyihiin oo lala soo goostey noociisuna yahey Nissan ,Wakiilka Al-shabab ee Gobolka Banaadir, Sh. Cali xuseen ayaa ka hadley goobtii gaari ku soo bandhigeen, waxa uuna ugu baaqey ciidamada wali dhinac DKMG ah ku harsan inay meesha isaga tagaan oo ayna ku degmin inta ay jaaniska heystaan.

Waxaa gaadhigan la soo goostey waheliyay labo askari oo midkooda saxaafada la hadley sheegeyna inuu ka dhiidhiyay dhibaatooyinka kale duwan ee Ciidamada AMISOM shacabka ku hayaan.

Sida uu noogu soo waramayo Weriyaha Ceegaag ee Magaaladda Muqdisho Maxamed Kaafi Sh. Abuubakar Waxa qeybo ka mida wadooyinka Suuqa weyn ee Bakaaraha maanta lagu arkayay gaariga Al-shabab dhinaca DKMG uga soo galey Calaamada Ciidanka Bilyskuna ku buufsantahey oo marba dhinac u goynaya, waxa uuna qeyb ka noqonayaa tiro gaadiidka dagaalka ah oo sidan oo kale horey dhinaca DKMG ah loo gala soo goostey.
 
Isku soo wadda duubo Xurgufta Dagaal ee ka jirta Magaaladda Muqdisho ayaa sababaysa in Maleeshiyooyinka Hubaysan hadba garab u fakadaan waxaana muuqata in Dagaalyahanadda Somalia rogay ay yihiin kuwa isugu jira Dhuuni raac iyo Nin jeclaysi,Iyadoo ay maalin walba kooxaha isku haysta Magaaladda muqdisho kala raacaan Gaadiid dagaal iyo Maleeshiyo Hubaysan oo koox uun ka soo fakatay.
 
Halkaan ka dhagayso Madaxa shabaab ee Muqdisho oo ka hadlaya Goobti maanta lagu soo bandhigay Gaadiidka ka soo goostay DKMG ah.

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com