shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka Digay xaaladda

 Nololeed ee Dadka reer Muqdisho

(Muqdisho,  Oct  25,  2009 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee DKMG ah ee Somalia Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa Galabta Shir jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia,Gudoomiyaha ayaa Diiradda ku saaray Khudbada shirkiisa Dhibaatooyinka haysta Shacabka reer Muqdisho gaar ahaan Xaaladaha Bani'aadanimadda iyo Dhibaatooyinka Dagaalka"Muqdisho dadkii ka Barakacay waad aragtaan Dhibaatooyinka Haysta ilaa Ceel macaan ilaa iyo Goboladda Dhexe ayay ku daadsanyihiin....Wax ay haystaan Ma jirto..Dhibaatooyin aad u xun ayaan hadda soo foodsaaray".
 
"Saad ogtihiin Dhibaatoyin ayaa Shacabki Muqdisho ehel u noqdeen,Muqdisho Rukun ayay noqotay...Shacabkaan waa mid Dhibaataysan,Shacabku wuxuu isugu jiraa Shacab barakacay iyo kuwo Deegaanka ah oo Madaafiic ku habsanayaan" ayuu yiri Maxamed Cismaan Dhagaxtuur Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
 
Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sidoo kale Eedayn ba'an dusha uga Tuuray Hay'adaha Samafalka ee ka hawlgala Magaaladda Muqdisho"Waxaan ka codsanaynaa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inay soo farageliyaan Arrinta Muqdisho...Waxaan leenahay hanagu fiirsanina hay'adaha Nairobi iska Degan...Waxaan been ahayn in Hay'adaha Samafalka ee ka hawlgala Magaaladda Muqdisho yareeyaan Dhibta Maanta ka jirta Magaaladda Muqdisho..way yareeyaan Dhibaatadaan maray u gudbinayaan Wadamadda Deeqaha bixiya ee loo yaqaano(Donorska)".
 
Si kastaba ha ahaate Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay inay Mamnuuceen in Wadayaasha Gawaaridu isticmaalaan Telephonadda Gacanta.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com