shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka PDF oo kalfadhigiisii labaad ku soo gabogabeeyay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

(Minneapolis,  Oct  13,  2009 Ceegaag Online)

Uruka Putland Diaspora Forum (PDF) ayaa kalfadhigiisii 2aad ku soo gabo-gabeeyay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Egooyinka ururka oo hordhac ah kana kala yimid Gobalada Maraykanka iyo Yurubta iyo Canada iyo masuuliyiin ka yimid  Somaliya iyo Kenya.

Shirkaan ayaa waxuu socday mudo saddex Maalmood ah  iyada oo lagu qaadaadhigay sidii Hurdada looga jafi lahaa bahwadaagta Puntland ee qurbaawiyiinta ah ku waa soo looga fadhiyo ka qayb qaadashada dib u dhiska Soomaaliya Gaar ahaan kan Gobolada Puntland.

Reer Puntland ayaa ku caan baxay inay barkinta Hurdada ka dheereesteen wax u qabashada Dalkooda iyo Dadkooda halka laga rajeenayo marka uu lugihiisa isku taago ururkan PDF inuu ka soo dhalaali doono hawlaha loo igmandoono.

Qaar kamida ergada reer New England ee shirka ka qayb galay ayaa nasoo gaadhsiiyay mahad naq ay ucelinayaa unuga ururka PDF ee gobolka Minnesota sidii habsamida ahayd ee ay u agaasimiin dhamaan shirarkii guud iyo gaar ee sadexdii cisho ee lasoo dhaafay lagu gorfeeyay sidii boodhka laysaga jafilahaa reer Puntland ahaan.

Shirkan waxaa kaloo ka qayb galay Marti ka socota Safaaradda Maraykanka ee kenya, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ahmed Walad Cabdallah iyo UNDP iyo Madax ka socota Dalka Maraykanka siiba kuwa Gobalka Minnesota sida SenotarAmy Klobuchar  iyo Speaker (state).

Shirkaa ayaa kusoo gabo gaboobay Guul

Daawo Sawirada Shirka

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com