shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiradda Gaashaandhiga ee NATO oo shir ugu

 soo Dhamaaday Slovakia

(Slovakia,  Oct  25,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Shir ugu soo gabagaboobay Magaaladda Bratislava ee Caasimadda Dalka Slovakia oo ku yaala Bariga Qaaradda Yurub (Wadamadi ka Go'ay Midawgii Soviet-Satelite Goverments) Wasiiradda Gaashaandhiga ee Wadamadda NATO,shirkan Waxaa ka qaybgalay 20 Wasiiradda Gashaandhiga ee Dawladaha NATO ah oo uu ka midyahay Wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanka Robert Gates,Taliyaha Guud ee Ciidamadda NATO iyo Xoghayaha Guud ee NATO.
 
Sida aan ka soo xiganay Jariidada Washington Post waxaa ajandayaasha ugu waaweynaa ee Shirka ka mid ahaa in la helo Qaab cusub oo loola Dagaalamo Al-Qaacida(Daalibaanka Afghanistan) iyo Habka ugu haboon ee loo tayo gelin karo Ciidamadda NATO ee ku sugan Dalka Afghanistan,28 Wadan ayaa ka qaybgalayay Shirkaan waxayna Dhamaantood isku waafaqeen in la Dhiso Istiraatiijiyad Cusub oo ay u dagaal Galaan Ciidamadda NATO ee ku sugan Afghanistan.
 
Taliyaha Guud ee Ciidamadda NATO McChrystal oo ka qeybgalaya kulanka Wasiiradda ayaa ka hadlay Labbo Qodob oo Muhiim ah:-
 
1-In haantan laga bilaabo Daalibaan la eryo oo loo xoogsheegto.
2-In muhiimahad la siiyo dhismaha Milatari iyo Boolis awood u leh inay badalaan Ciidamada NATO.
 
Waxaa kaloo Gabagabadi Kulanka Wasiiradda ka Hadlay Wasiirka Gashaandhiga ee Maraykanka Robert Gates "Dowlado aad u badan oo Isbaheyiga ka mid ah aad ayay u bogaadiyeen Qiimeynta lagu Sheegay qoraalka uu diyaariyey Taliyaha NATO ee Afqanistan McChrystal".
 
Si kastaba ha ahaate Waxaa kaloo Gabagabadi Kulankaan ka hadlay Xoghaya guud ee NATO Anders Fogh Rasmussen,Inkastoo Taliyaha Ciidamada NATO Afqanistan ka jooga uu horey u codsaday 10,000 ilaa 40,000 oo Askar Mareykan dheeraad ah si ay u guuleysato istiraatiijiyada Cusub Waxaana hada NATO ka jooga Afghanistan in ka badan 100,000 oo Askari,Balse Quus ayaa laga Taaganyahay Afghanistan markii 400 askari oo ka tirsan NATO ilaa Sanadkaan Bilawgiisi lagu Dilay Afghanistan.


 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com