shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jangeli oo ka qaybgalaya Shir looga Hadlayo Dhibaatooyinka Qaxootiga Africa.

(Kampala,  Oct  19,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Arrimaha Dibadda DKMG ah ee Somalia Mudane:Cali axmed Jaamac(Jengeli) ayaa Maalinimadda Berrito ah ka qaybgalaya Shir balaaran oo ka Furmaya Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka UGANDA, Wasiirka ayaa ka helay Martiqaad rasmi ah Dawladda UGANDA oo shirka Martigelinsa, Shirkani ayaa waxaa ka qaybgalaya Ergo ka socota 40 Dal oo ku yaala Qaaradda Africa kuwaasi oo gaaraya 600 oo Ergo.

Madaxda ka socota Dawladaha Africa ayaa Maalinimadda Berrito ah Faaqidaya Qodobo dhawr ah oo la xiriira Dhibaatooyinka Qaxootiga ee ka jira Gobolka Gaar ahaan wadamadda ay Dagaaladu aafeeyen sida Somalia iyo Suudaan oo noqday Wadamadda ugu Qaxootiga Badan Caalamka marka loo eego Dalalka kale ee Kacdoonadu ka jiraan ee ku yaala Africa,Dawladda Somalia ayaa waxaa la filaya inuu Shirka ugu Qeybgalo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane:Cali axmed Jaamac Jengeli.

Cali Axmed Jaamac(Jengeli) ayaa haatan ku sugan Magaaladda Kampala halkaas oo uu Berito Shirku ka furmayo wuxuuna Saxaafadda uga Waramay Habka uu shirka uga Qeybgalayo iyo Ajandayaasha Khuseeya Somalia ee la filayo in Shirka looga Hadlo "Shirka ujeedkiisa ugu wayn ee looga hadlayo waa sidii wax loogu Qabanlahaa Dhibanayaasha Barakacayaasha ah ee ka cararay Dhibaatooyinka Wadamadda Dagaaladu ka jiraan,Maadaama Qaxootiga ugu badan ee Caalamka laga helayo Afrika Waxaa jira Shir kale oo ay Yeelanayaan Madaxweynayaashu kaas oo dhici doona 21 Bishan hadda aan ku jirno ee October waxaana Shirkaas ka qaybgalaya Madaxweynaha Somalia".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com