shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Sirdoonka dalka Itoobiya oo haatan ku hungoobay reer Puntland

(Gaalkacayo Oct  09,  2009 Ceegaag Online)

                                    
Habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay bishuna ahayd Oct 07, 2009 ayaa ciidamada sirdoonka ee dawlada Itoobiya kusoo qaadeen weerar magaalada Gaalkacayo oo iyadu iska ilaalinasay dhica Muqdisho iyo Kooxa is qarxiya ee Al-shabaab.

Weerarkan ayaa lagu qafaashay nin Soomaali ah halka ninna lagu gawracay mid kalena lagu dhaawacay, ragan ayaa gidigood ahaa rag Soomaali ah iyaga oo si badheedha loogusoo weeraray magaaladoodii iyo guryahoodii.

Dhinaca kale dawlad goboleedka Puntland ayaa iyadu ka leexatay wadadii hore ee ay madaxa ugu salaaxi jireen dawlada Itoobiya oo had iyo goor fara Ba'an ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka iyo Bariga Soomaaliyaba.

Wasiirka Arimaha amaanka ee maamul goboleedka Puntland C/llahi Siciid Samatar ayaa arintaa ku tilmaamay markii ugu horeesay xadgudub lagula kacay shacabka Soomaaliyeed ilaa intii la yagleelay Maamulka sanadkii 1998 dii.

Xamaasada shacabka reer Puntland ayaa marasa meeshii ugu saraysay taasoo ku kaliftay in maamulku si toos ah idaacadaha uga weeraro dawlada itoobiya iyaga oo ku dhaleeceenaya hawlo ay hore ugu barteen sirdoonka Itoobiya inay ka fuliyaa gudaha Soomaaliya siiba Deegaanada hoostaga Maamulka Puntland.

Waxaa haatan la dhawrayaa Jawaabta ka timaada taliska ay horboodayaan Qawmiyada Tigreegu ee haatan ka arimaianaya deegaano ka mida Abasiiniya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com