shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkii ugu Dambeeyay ee Afgaanistaan iyo Pakistaan iyo Shabakadda Ceegaag Online.

(Dunida Muslimka,  Oct  20,  2009 Ceegaag Online)


 
 
Qarax ka dhacay Jaamacadda Islaamiga ah ee Islamabad:-

Daawo

 

Qarax wayn ayaa Galabta ka dhacay Jaamacadda Islaamiga ah ee Islamabad markii Qof naftii hure ah uu isku dhex qarxiyay irida Hore ee Kuliyadda shareecadda ah ee Jaamacadda Islamabad, Qarax kale ayaa isna ka dhacay Goob meherad ah oo u dhaw Jaamacadda,3:15PM ayaa Qaraxa hore dhacay wuxuuna ka dhacay Makhaayad ku ay wax ka cunaan Gabdhaha Jaamacadda wax ka barta halka Qaraxi kalena uu si degdega uga Dhacay Gudaha Jaamacadda inkastoo Booliisku ilaa hadda xaqiijiyeen inay ku dhinteen 4 qof.
 
Dhaawaci iyo Maydkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi ayaa la geeyay Cusbitaal ku yaala Magaaladda Caasimadda ah ee Islamabad,Waxaana ilaa hadda la garanayn cida sida dhabta ah uga Dambaysay Qaraxan loo gaystay Jaamacadda Islamabad Maadaama Jaamacadu tahay meel ay wax ka bartaan in kabadan 10,000 oo arday oo ka kala yimid 52 wadan,Ardayda Africanka iyo Shiineyska ah ayaa ugu Badan Ardayda wax ka barata Jaamacadda Islamad ee galabta Qaraxu ka dhacay.
 
Jaamacadda International Islamic University (Islamabad University) ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 300 oo arday oo Somali ah,Balse wali ma jiro war sheegaya in Somali ku wax yeeloobeen Qaraxi Galabta,2000 oo Arday soomaaliyeed ah ayaa wax ka barta Jaamacadaha Dalka Pakistan.
 
 

Doorasho mar labaad ka dhacaysa Afghanistan:-


 
Madaxweyne Hamid Karzai ayaa ogolaaday in Dib loo Qabto wareeg Labaad oo Doorasho,Arrintaani ayaa timid Markii Maalinimadii shalay aheyd Guddiga Doorashada shaaciyeen in Madaxweynaha Afghaanistaan uu helay tiro ka yar intii looga baahnaa inuu guul ku gaaro mar labaad inuu xilka qabto ayadoo la sheegay in musuq maasuq xoogan uu doorashada hareeyey inkastoo Guddigu horay u sheegeen inuu Madaxweyne Karzai helay 50% codadkii La tiriyay.
 
Madaxweynaha iyo hogaamiyaha kasoo horjeeda ee Dr.Abdullah Abdullah ayaa isku afgaran waayey sidii ay u dhisi lahaayeen dowlada labada dhinac ah, taasi oo keenaysa in markale dib loo galo doorashada ,Dhex dhexaadinta ayey ka qeyb qaadanayeen wafdi ka socda Maraykanka oo uu hogaaminayo Senator John Kerry.Dowlada Afghaanistaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay culeys weyn oo dhanka dibada ah lagu saaray inuu aqbalo in doorashada dib loogu noqdo, kadib markii ay soo baxeen in codod badan lagu shubtay wareegii hore, isla markaana guddiga doorashada uu ka dhawaajiyey inay jirtay musuq maasuq keeni kara in tirada codadka uu shaki ku jiro.
 
Muranka Doorasho ayaa soo bilaabmay wixii ka Dambeeyay Shaacintii Natiijadi Hordhaca ahayd ee Codbixiyayaasha 20kii bishii August iyadoona ay u muuqato in ninka ka soo horjeeda Madaxweyne Karzai ku adkaysanayo inuu isagu guuleystay,Madaxweyne Obama,RW Gorden Brown iyo Bankimoon ayaa Caawa fiidki si wadajir ah u soo dhaweeyay Ogolaanshaha Madaxweyne Hamid Karzai in 7 Nov dib loo Qabto Doorasho kale.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com