shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Uganda oo sii daysay Yuusuf Maxamed Siyaad Indho-cade.

(Kampala Oct  07,  2009 Ceegaag Online)

Wasiiru Dawlihi Wasaaradda Gaashaandhiga DKMG ah ee Soomaaliya Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocade ayaa Maanta la sii Daayay ka dib markii xalay Afhayeenka Ciidamadda Militaryga Dalka Uganda Col, Felix Kulayigye uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada amaanka dalkaasi ay xireen Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacadde) xilli uu ku sugnaa Magaalada Kampalla ee xarunta dalka Uganda isagoo hoosta ka xariiqay in Ciidamada Sirdoonka ee dharcadka ah ay xireen Indhocade.

                                    
 
Maanta oo arbaco ah ayaa Dawladda Wadanka Yuganda Shaaca ka qaaday inay sii daysay Wasiiru Dawlaha Gashaandhiga DKMG ah ee Soomaaliya Shiekh Yuusuf Indhocade "Maanta oo arbaco ah ayaan sii daynay Indhocade,intuu xabsiga ku jirayna si raaxo leh buu u joogay,wuxuu noqdaba ha ahaade hadda waan sii daynay,Loolamana dhaqmin sidii isagoo Maxbuus ah intii aan Xabsiga ku haynay" ayuu yiri Felix kulayege oo maanta waraysi siiyay mar kale Wakaaladda wararka ee AFP,"Kiiskiisi markaanu baarnay waxaa noo cadaatay inuu yahay wasiir ka tirsan Dawladda Somalia,Dhab ahaanti waxay ahayd inuu Diyaad ku yimaado uuna noo sheego oo noo cadeeyo inuu u usoo booqanayo Dalkan sidii Sarkaal ajnabi ah oo kale".

Isku soo wadda duubo Yuusuf indhacade wuxuu ka mid ahaan jiray Qabqablayaashi Dagaal ee ugu awooda Badnaa somalia balse Markii ay dhasheen Midawgi Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaalia wuxuu noqday Xubin sare oo ka tirsan Golahaasi Islaamiga ah,inkastoo uu hadda ka tirsan yahay Dawladda Taagta daran ee ay taageerto beesha Caalamku.Afhayeenka DKMG ah ee Somalia Abdi haji Goobdoon ayaa saxaafadda u sheegay in si Bahdilnimo ah loola dhaqmay Wasiirka intii uu xabsiga ku jiray "Runtii waxaan ka walwalsanahay Dhacdadaan,Waa mid bahdilnimo ah oo bani'aadanimadda ka baxsan,Waxaan filaynaa in Dawladda Uganda ay faahfaahin ka bixin doonto waxaan dhacay".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com