shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dooni Shidaal sida oo ku Gubatay Dekeda Magaaladda Boosaaso.

(Boosaaso Oct  11,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Galabta Dab ku qabsaday Dekeda Magaaladda Boosaaso Dooni u rarnayd Ganacsato reer Puntland, Doonta ayaa ka soo shiraacatay Magaalada Sharjah ee Isu tagga Imaaraadka Carabta waxaana ay siday Saliid iyo Hanti kale oo gaaraysa Malaayin kun oo dollar, Doontan ayaa siday shidaal ka badan ilaa 1,000 fuusto oo isugu jiray Batrool iyo Naafto iyo 2640 oo Saliidda Hayat ah oo iyagu ay si gaar ah u lahayd shirkaddooda oo lagu magacaabo Miraale Tradding Company taasi oo Xafiis ku leh magaalada Dubia ee Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee Puntland.
 
Wakhtiga uu Dabku qabsanayo Doontani ayaa waxaa laga dejinayay Maciishada iyo alaabaha Saaran iyadoona ay iminka Badqabaan Dhamaan Shaqaalihi Doontaasi oo iyadu laga Leeyahay Wadanka India waxaana Jawiga Magaaladu noqday Mid mar qura isbedelay markii uu Dabkani ka qarxay Gudaha Dekeda ayaa Dadweyne aad u farabadan dhanka dekeda u yaaceen walaw ay kala eryeen Ciidamada Ilaaladda Gaar ah ee dekeda Magaaladda Boosaaso inkastoo markii Dambe ay dekeda soo gaareen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga C/laahi Timacade.
 
Si kastaba ha ahaate Doonida ayaa weli ololaysa waxaana Dekeda Magaaladda ku sii qulqulaya wali Booyadaha Dabdamiska iyo Kooxda sida gaarka ah ugu Tababaran ka hortaga Musiibadda Dabka.

Daawo Sawiradda

Abdirashid Mohamed Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com