shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dood cilmiyeed ku saabsan Horumarinta Dimuqraadiyada oo Maanta Lagu Qabtay Magaaladda Garowe +Sawiro)

(Garoowe,  Oct  14,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta lagu Qabtay Magaaladda Garowe ee Xarunta Dawladda Puntland Dood cilmiyeed aad u balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Maamulka Puntland,Ururada Bulshada rayidka ah,Hay'adaha Dawliga ah iyo kuwa Maxaliga ah waxaana Dood cilmiyeedkaan soo qabanqaabisay Xarunta Cilmibaarista Puntland ee loo yaqaano(PDRC) Puntland Development Research Center iyadoona ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin sarsare oo ka socda Xukuumadda Puntland Gaar ahaan Golaha Sharcidajinta ee (Baarlamaanka).

Ugu horeynta furitaankii Dood cilmiyeedkan ka hadlay Agaasimaha hay'ada PDR Prof:C/raxmaan Cabdulle Cismaan Shuuke isagoona ugu horeyn halkaasi mahad celin balaraan uga soo jeediyey dadkii ka soo qeybgalay Dood cilmiyeedkan isagoona agaasimuhu si qoto dheer uga hadlay waxa uu ku saabsan yahay siminaarkani isagoo xusay in Ujeedada ugu wayn ee Dood cilmiyeedkani tahay sidii loo horumarin lahaa Dimuqraadiyada isla markaasna Kor loogu qaadi lahaa Hindisa Nabadda.

Prof: C/raxmaan Shuuke oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si weyn uga hadlay habkii looga gudbi lahaa qaabka ay Puntland maanta ku shaqeyso isagoona sheegay in hay'adani had iyo jeer u taagan tahay in ay ka qeyb qaatado barnaamijkani oo looga gol leeyahay Dimuquraadiyeynta,Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Puntland Mudane Xareed isagoona ugu horeyn halkaasi amaan balaaran ugu soo jeediyey hay'ada PDRC oo iyada soo qaban qaabisay Dood cilmiyeedkaasi Balaaran oo ah wax lagu farxo islamarkaasna umadda reer puntland u horseedi kara horumar.

Dood Cilmiyeedkani Maanta ka dhacay Magaaladda Garowe ayaa Hay'adani ku soo bandhigtay Xog ururin ay ka soo samaysay Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland sida,Bosaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo,Boocame,Baran,Dhahar,Hadaaftimo iyo Deegaano kale oo hoos yimaada Maamulka ay ku bohoobeen Bahwadaagta Puntland,Doodan ayaa waxaa Daadihinayay Macalimiin Khibrad iyo Waayo aragnimo u leh Barnaamijka Dimuqraadiyada iyo Maamul Wanaaga oo Puntland ay doonayso inay Ku talaabsato 5-Sano ee soo socda.

Isku soo wadda Duubo Gabagabadi Barnaamijkani ku saabsanaa Dimuqraadiyada iyo Tiirka Nabadda ayaa lagu soo bandhigay Film ka turjumaya Maamul wanaaga Gaar ahaan Dimuqraadiyadaynta(Administrative Effeciency and Democracy),waxaana sidoo kale Hay'adu ay maanta soo bandhigay Saddex qodob oo sal u ah Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Maamul Wanaaga:-

Tiirka Amniga

Tiirka Dimuquraadiyada

Tiirka Dhisida golaha deegaanka iyo geedi socodka nabada.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com