shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dood Cilmiyeed ku Saabsan Dhalmadda oo Maanta lagu Qabtay Magaaladda Gaalkacyo.

(Gaalkacyo,  Oct  26,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta lagu Qabtay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Dood Cilmiyeed ku saabsan Dhalmadda,Dood Cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 100 Haween oo Umulisooyin ah,Doodan ayaa lagu Qabtay Xarunta Gaalkacyo Medical Foundation(GMC) ee Magaaladda Gaalkacyo.

Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa soo Qabanqaabiyay Barnaamijka Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,Dadka ku jira Xeryaha Qaxootiga ee Magaaladda Gaalkacyo ayaa ka faa'idaysanayay Dood Cilmiyeedkan waxaana Muhiimadiisu ahayd sida ay Umulisooyinku uga qaybqaadan karaan Badbaadinta Ubad Caafimaad Qaba oo ka soo Baxa Caloosha Hooyadda Maadaama ay marar badan Dhacdo in Ubad badan oo Dhalanayaa Dhibaatooyin Caafimaad la kulmaan Xiliga Dhalmadda Hooyada gaar ahaan Marka aanay Wanaagsanayn Nadaafadda Umulisadu.

Madasha ay ka dhacaysay Doodan waxaa Goob joog ka ahaa Masuuliyinta Hay'adaha UNHCR iyo GMC oo Barnaamijka Waday iyo Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda Gaalkacyo,Khudbado kala Duwan ayaa laga jeediyay Madasha waxaana ka mid ahaa Dadkii ka hadlay Madaxa Mashruucan Maxamed Cabdi Baldho iyo Takhaatiir Aqoondheer u leh Dhalmadda iyo Cuduradda Haweenka ee Genocologyada.

Si kastaba ha ahaate Haweenka Soomaalida ee yaqaana Umulisonimadda ayaa Takhasus u leh Habkii Caado dhaqameedka oo Muddo hore Laga soo gudbay,Taasi oo hadda Bedelkeeda la isticmaalo Technologyad ka casrisan tii hore iyo Qalab Fayodhawr Wanaagsan Leh.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com