shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Kenya oo Beenisay inay Hubaynayso Somalida G/waqooyi bari ee Kenya.

(Nairobi Oct  13,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda Wadanka Kenya ayaa Maanta oo Talaado ah shaaca ka qaaday inaanay waxba jirin in Dawladda Wadanka Kenya Hubaynayso Soomaalida Degta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya (NFD) sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka Kenya Moses Watangula ,wuxuu hoosta ka xariiqay Wasiirku inaanay Dawladda Kenya siyaasad ahaan Aaminsanayn in Dalkeeda laga kexeeyo Ciidamo ka barbar dagaalama Dawladda Taagta daran ee arrimisa Magaaladda Muqdisho.

Moses watangula Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka Kenya ayaa xusay inaanay wararka caynkaasiya waxba ka jirin isla markaasna ay yihiin ku tirikuteen la soo dhoodhoobay "Siyaasadda dowladda Kenya kama mid ahan in dhalinyaro u dhalatay dalka Kenya ay ciidan u noqdaan dowlad kale, cidii lagu helana maxkamad la soo taagi doono" isagoo hadalkiisa Sii wata ayaa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa uu qiray inay Dawladda Kenya bilaabayso Baaritaano la xariira Arrintaasi isagoona intaasi ku daray inayba sharci daro tahay in Muwaadin kenyan ah ka dagaalamo Somalia.

Ugu Dambayntii Wanagula wuxuu sheegay in uu jiro heshiis ay wada gaaren dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaas oo dhigaya in dowladda Soomaaliya loo tabababaro ciidamada Booliska, kuwa Dowladda Hoose iyo shaqaalaha dowladda oo ay iyada soo xulatay heshiiskaasna ay qeyb ka yihiin wadamo badan oo IGAD iyo Africa ah,Inkasta oo hadana uu carabka ku adkeeyay in Kenya ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu geeska Afrika u xasili lahaa taasina waxa uu sheegay inay ku iman karto in taageero buuxda la siiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Si kasaba ha ahaate Dawladda Kenya ayaa hadda ka hor sheegtay inay Ciidamadeeda u soo dirayso Gudaha Somalia walaw ay wax iska bedeleen Qorshahaasi markii Kooxda Islaamiga ah ee (Alshabaab) oo ka dagaalanta Somalia sheegtay inay Weerarayso Kenya hadiiba ay isku daydo inay Ciidamadeeda usoo dirto Somalia,Kenya ayaa ka mida Dawladaha Faragelinta Ba'an ku haya Somalia Siyaasad ahaan isla markaasna waxaa Hadda ka hor lagu soo Dhisay Dawladi uu hogaamin jiray C/laahi Yuusuf Axmed inkastoo ay Dawladaasi ku fashilantay Yoolkeedi markii ay Siyaasado isdiidan kaga soo faruurmeen Itoobiya iyo Magaaladda Muqdisho.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com