shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Jabuuti oo maanta Tababar u soo gabagabay-say Askar Somali ah.

(Jabuuti,  Oct  15,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta Tababar loogu soo xiray Dugsiga Militaryga Al-haji Hassan ee Degmadda Holhol ee Dalka Jabuuti Ciidamo ay yeelanayso Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ee Fadhigeedu yahay Magaaladda Muqdisho,Ciidamaddan Tababarka maanta loo soo gabagabeeyay ayaa waxay tiradoodu dhantahay 500-Ciidan ah oo mudo ka badan 3-bilood tabar ugu socday dugsigaasi oo loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Jabuuti Al Xaaji Xasan, Waxaa sidoo kale iyana Tababarkan loo soo xiray 150 sarkaal oo hogaaminaya Ciidamadan Tababarku u dhamaaday.
 
Munaasibad balaaran ayaa maanta loogu qabtay Degmadda Holhol Ciidamadani waxaana Munaasabadaasi ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Dilayta Maxamed Dilayta Saraakiil ka tirsan DKMG ah oo u badnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka , ku xigeenka Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ilaaliyaha Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Hiraabe.
 
Tababarkani la siinayay Ciidamadda ay yeelanso Dawladda Taagta daran ee Reer galbeedku taageero ayaa waxaa bixinayay Sarkiil faransiis ah oo hogaamiya Ciidamadda France ee Saldhiga wayn ku leh Dalka Jabuuti iyo Khubaro military oo Jabuutiyaan ah.
 
Si kastaba ha ahaate Dawladda Jabuuti ayaa soo dhistay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Sharif sheikh axmed oo ay ragaadiyeen Awoodo dagaal oo kaga imaanaya Isbahaysi Islaamiyiin ah kuwaasi oo iyagu Xagal Diimeed kaga jira Dagaalka ay doonayaan inay afka ciida ugu daraan Dawladaasi oo ka talisa goobo mucayin ah oo ku yaala Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com