shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalo ka soo Cusboonaaday Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

(Jijiga,  Oct  21,  2009 Ceegaag Online)

Gobolka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday Dagaalo kharaar oo u dhexeeya Ciidamadda Jabhadda Gobanimodoonka ah ee ONLF iyo Ciidamadda Itoobiya ee Gumaysiga ba'an ku haya Shacabka Soomaaliyeed ee Degan Dhulkaasi.

Dagaaladi ugu Dambeeyay ayaa ka dhacay Gobolo kala duwan oo ku yaala Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya gaar ahaan Dhulka Buuraleyda ah ee ku teedsan Gobolka Nogob balse ma jirto Faahfaahino Dheeraad ah oo ka soo baxaya Goobaha Dagaalka Maadaama Khadka Isgaarsiintu aad u adagyahay.
 
Deegaanadda Dagaaladu ka dheceen ayaa waxa ka mida Degmooyinka Garbo Diimo,Baabili,Hadiley iyo Xaraarey oo ka wada Tirsan Gobolka Nogob,Dardhowr Gobolka Qoraxay,Dhalaandhiga Gobolka JigJiga,Goodirey Huuraale iyo Horo Khaliifo oo ka wada  tirsan Gobolka Jigjiga waxaana wararka aanu helaynaa Sheegayaan inay Dagaaladani sababeen Khasaare nafeed oo aad u baxaadwayn maadaama ay Dagaaladani soo bilaabmeen 14 Oct ayna yihiin wali kuwa sii socda.
 
Jabhadda ONLF ayaa iska caabisay Gurmad balaaran oo ka yimid Magaaladda Dirirdhabe Maalintii Doraad ahayd Markii ay Dagaal hubaysan isaga Horyimaadeen Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Degmadda Baabili,Dagaalkii ka dhacay Halkaasi ayaa la sheegay inuu yimid Markii Ciidamadda ONLF weerar hubaysan ku qaadeen Saldhig military oo Ciidamadda Itoobiya ku lahaayen Halkaasi.
 
Si kastaba ha ahaate Dagaaladani Dib uga soo cusboonaaday Gobolka Soomaalidu Degto ee Itoobiya ayaan ahayn kuwo cusub balse waxay soo taxnaayeen in ka badan 500 sano(Wixii ka dambeeyay Halkii Axmed Guray) taasi oo Shacabka Somalida ah ee Deegaankaasi ku doonayaan inay ku xoreeyaan Dhulkooda.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com