shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cimiladda Aduunka ee sii Kululaanaysa(Global Warming).

(Dunida,  Oct  24,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Caadi noqotay Sanadihi ugu Dambeeyay in Dunidu ka qayliso Cimiladda Aduunka ee sii kululaanaysa taasi oo noqotay Mid hadal hayn badan laga muujiyay,Dhibaatooyinka Deegaanka waxay noqdaan Dikheeyayaal(Pollutants) ama Wasakheeyayaal Saameyn balaaran ku yeesha Bani'aadamka(Human Effect),Aduunku inuu sii kululaado waxaa loo aaneyn karaa Qodobo badan oo la xiriirsan Badbaadinta Deegaanka taasi oo lagu bedelay in Deegaanki la disheeyo.
 
Qiica Warshadaha wadamadda Horumaray ayaa ah il Dikheysa Hawada isla markaasna keenta Natiijadda Kululaanshaha Cimiladda Dunida(Global Warming Impacts),Markii Carbon Dioxide lagu sii daayo hawadda waxay keenaysaa inuu kordho Xadigi Carbonka ee hawadda sida Dabiiciga ah ugu jiray waxaana Wasakhdii Warshadda ka baxday isu bedeshaa Sulphur Oxide Maadaama Xadigi Oxygenka ee lagu Gubayay waxyaalaha la warshadaynaya(Raw Materials) ku darsamayo Qeybtii kale ee Hawadda,Waxaa si dabiici ah u jira Lakab sare oo hawadda ku jira kaasi oo ka agdhaw Lakabka(Atmospher Layer) Mesosphere waxaana Lakabkaasi suurta gelinayaa inuu Difaaco Xadigi Qoraxda ee ku soo dhacaysay Dhulka.
 
Ozone Layer wuxuu noqday Hadda khafiif waxaana aad u wiiqay Curiyayaashiisi Carbonki Faraha badnaa ee Hawadda lagu sii daayay,Suurta gal ma tahay in in ka badan 45%(Solar Insolation) xadiga qoraxda Dhulka lagu sii daayo iyadoo in ka yar intaasi Dhulka soo gaarto hadda ,waxaa siyaada (Green House Gas Level) kaasi oo natiijo u noqda Kululaanshaha Hawadda Sare.
 
Maxaa Dhaca Kululaansha Hawadda ka dib!?.
 
Markii Kulaylka hawadu siyaado waxaa Dhaqaaqa Barafkii Fadhiyay Cirifyadda Aduunka(Polar Ice) Biyihii Barafka ayaa ku soo fatahma Badda,Markii ay Biyuhu soo gaaraan Badda waxaa Dhasha(Floods) kuwaasi oo noqda Musiibooyin Dabiici ah,Waxaa xusid Mudan in Musiibooyinka Caynkaasi ah ka jiraan Maanta Dunida iyadoo ay ka soo dhasheen Musiibooyinkii Tsunami iyo Dabaylihi ka dhacay Labbo todobaad ka hor Japan iyo Philiphine ee loo yaqaano(Typhoons iyo Hurricans).
 
Labbo Siyaabood ayaa Sabab u noqda inay Cimilada Aduunku sii kululaato:-
1-Warshadaha waxay noqdeen Dambiilaha ugu wayn ee Hawadda Kulaylka u keena Maadaama lagu shaqaynayo wax loo yaqaano (Fossil Fuels) oo ah Shidaal inta Oxygen lagu gubo Hawada loo diro,Curiyayaal uu Carbonku ka midyahay ayaa Saaxiib la ha Gubashadda iyadoo ay Siyaasadayso Gaskii Caadiga ah ee la isticmaalayay kaasi oo loo yaqaano(Green House) Dhaqdhaqaaqa Bani'aadamka ayaana Sabab u ah.
 
2-Tan labaad waxay noqonaysaa wax loo yaqaano Deforestation oo noqonaysa in Dadka ay jaraan Dhirta,hadana Dhirtu in la jaraa waxyaalo badan bay xariga u siidaynaysaa,xitaa haddi ay noqon lahayd Difaac iyo gaashaan Marka laga gaashamanayo Natiijadda Global Warmingka,Dhirtu waxay noqonkaraan Difaace marka ay Dhacayaan Dabaylaha loo yaqaano Huricans iyo Typhoons.
 
Waxaa la isku raacay in Heerkulku kor u kacay 1.1 to 6.4 °C waxayna Badinaysaa in Dhul badan saxare u eke Noqdaan,Lakabka (O3) waxaa Saynisyahaniin Badani soo jeediyeen in lagu Buufiyo Sulphur,Taasise Caqligal ma noqon karto waayo waxaa la waayayaa Energy Badan oo Qoraxda laga heli jiray Maadaama ay qoraxdu Fure u tahay Nolosha Bani aadamka Marka la eego xaga Biologyga ,Cuntadda Meerto ahaan waxay ka soo bilaabataa Qoraxda Waxaana ay martaa Wajiyo badan,waxaa jira Producers iyo Consumers-Producers waxay cuntadooda ka samaystaan Qoraxda iyagoo Isticmaalaya Photosynthesis ka dibna waxaa Quuta Quutayaal uu Bani'aadamku ugu horeeyo.


 
Sharaxaada Figureka 2aad-Global Warming Prediction:-Ma jirto Natiijo hadda la Gaaray Marka aan ka hadlayno Kulaylka Cimiladda,Lineka la Colour gareeyay wuxuu Muujinayaa Wajahadda Heerkulka Dunida sida uu kor ugu Kacayo marka la barbar dhigo Sanadihii 1960-1990.Qaaradaha ayaa ka hor kululaanaya Badweynta sida ka muuqata Sawirka,Koonfurta Qaaradda Maraykanka ayaa ugu hooseys Diirimaadka Dunida waxayna gaaraysaa 0.55°C.
 
Gabagabadi Labadda Wadan ee ugu Warshadaha Horumarsan waa Hindiya iyo China ee ayaa Todobaadkaan gudihiisa sexeexay Heshiis sheegaya inay Hoos u dhimaan Qiica Warshadahooda,RW Hindiya ayaa u saxiixay India halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinuhuna saxiixay Heshiiskaan.
 
Abdirashid Mohamed Dahir
Ceegaag Online

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com