shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cadde Muuse oo dib ugu soo Laabtay Puntland (Sawiro).

(Boosaaso,  Oct  22,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta soo gaaray Magaaladda Bosaso Siyaasiga Caanka ah ee Reer Puntland Maxamuud Muuse xirsi(Gen:Cadde) oo ahaa Madaxweynihi hore ee Puntland,Cadde muuse waxaa aad loogu xasuusta Sidii Taarikhiga ahayd ee uu Jagada Madaxtinimo ugu Wareejiyay Madaxweynaha hadda ka arrimiya Puntland ee C/raxmaan Faroole.
 
Cadde Muuse ayaa waxaa Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Xukuumadda hadda ka arrimisa Puntland iyo Shacabweyne aad u farabadan,Cadde Muuse ayaa isagu ka Maqnaa Dalka ilaa iyo Bilawgii bishii Feb-2009 wakhtigaasi oo uu u ambabaxay Dhankaa iyo Dalka Canada oo uu deganyahay,Cadde Muuse ayaa hadalo jeediyey intii uusan usoo gudbin Gudaha"Aaad baan ugu mahadcelinayaa Shacabka reer Puntland iyo Xukuumadaba waxaan isleeyahay Dalkaagi ayaad ku soo noqotay adoo nabad ah,Waan joogi doona ilaa muddo,Markaan safarkayga shaqo dhamaystona dib baan u laabanayaa".
 
Cadde Muuse Madaxweynihi hore ee Puntland ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda Puntland sida Madaxweyne Faroole,Madaxweyne ku xigeenka Gen:C/samad Cali shire iyo Nabadoonadda Puntland,Cadde Muuse ayaa waday Mashaariic la xiriirta Macdan Baaris iyo baaritaan shidaal wakhtigii uu ka arriminayay Puntland inkastoo markii Marxaladi siyaasadeed isbedeshay uu Madaxweynaha Cusub C/raxmaan Faroole sheegay inuu Dib u eegayo Heshiisyadi hore ee ay gashay Xukuumadi Cadde Muuse.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com