shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

10 Million oo qof oo ku barakacay Gudaha Bariga iyo Bartamaha Africa.

(Bariga iyo bartamaha Afrika,  Oct  28,  2009 Ceegaag Online)

Dad gaaraya Maaliyiin qof ayaa ka barakacay Gudaha Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Africa bilihi ugu Dambeeyay sida ay Maanta oo Talaado ah qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters"6-Bilood ee ugu Dambeeyay Dad gaaraya 10 million ayaa ka cararay Guryohooda Khilaafaad siyaasadeed oo ka jira Gobolka Awgeed,Mana awoodaan Dadkaasi inay Dabiraan Nafsadooda Muddoyin aad u badan" ayaa lagu yiri Warbixin ka soo baxday Xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan Isku dubaridka Hawlaha Bani'aadanimo ee OCHA.
 
Intii u dhaxaysay Bilihi March iyo September ee Sanadkaan Dad gaaraya 1.08 million ayaa ka barakacay Toban Dal oo ku yaala Gobolka Bariga iyo Bartamaha Africa,Dadkuna Gudaha ayay ku barakeceen sida lagu sheegay Warbixinta OCHA,Inkastoo isku darka Tiradda Barakacayasha ee Gobolka noqonayaan 10.18 million.Rabshadaha ka taagan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia,Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,Afgambigii Military ee ka dhacay Gini iyo Rabshadaha Goboladda Chad iyo Darfuur ayaa Tirada Dadkaasi ku barakeceen Lixdii Bilood ee ugu Dambaysay.
 
"Qiyaasti 250,000 oo qof ayaa ka barakacay Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho Sababao la xiriira Dagaaladda u dhexeeya Mucaaradka Islaamiyiinta ah iyo Dawladda KMG ah ee Somalia" ayaa uu yiri Maanta Afhayeen u hadlay Barnaamijka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Isku duba ridka Hawlaha Bani'aadanimo Elisabeth Byrs."Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congona in ka badan 779,000 oo xeryo Qaxooti ah(IDPS) ayaa ka samaysmay tan iyo Lixdii bilood ee ugu Dambeeyay gaar ahaan Rabshadihi ka dhacay Goboladda Nord-Kivu iyo Sud-Kivu".
 
Si Kastaba ha noqote Warbixinta Hay'adda OCHA ayaa sheegtay in Wadamadda Chad, Kenya, Sudan iyo Tanzania ay ku jiraan Tiradda ugu Badan ee Qaxootiga ka talaaba Xuduudaha Bariga iyo Bartamaha Africa.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com