shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmadda Awrboogays ee G/sool oo lagu Qabtay Kulan looga hadlayo Xakamaynta Dhuxul jarida iyo Taakulaynta Dadki Abaaruhu saameeyen.

(Awrboogays. Sool,  October 02,  2009 Ceegaag Online)

Shir aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha iyo Nabadoonadda Beesha Ugaadhyahan ee Degan Goboladda Sool iyo Sanaag ayaa lagu Qabtay Magaaladda Awrboogays ee Gobolka Sool , Shirkan ayaa ka bilawday Magaaladda Awrbogays Taariikhda Markay ahayd 25/Sep/2009 waxaana la soo gabagebeeyay 2/Oct/2009 oo ku beegnayd Maalintii shalay ahayd.

Shirkani ka dhacay Magaaladda Awrboogays ee Gobolka Sool ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Cuqaasha iyo Nabadoonadda Beesha ugaadhyahan ee Goboladda Sool iyo Sanaag waxaana ka soo qaybgalay Samadoono,Nabadoono,Culuma'udiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Nawaaxiga Degmadda Awrboogays ee Gobolka Sool,Intii uu socday shirkani ayaa waxaa lagu falanqeynayay sidii loo joojin lahaa Jarida Dhirta oo laga shido dhuxul taasi oo Beryihii ugu Dambeeyay si aada looga shidayay Deeganadda ay Beeshu degto ee Goboladda Sool iyo Sanaag gaar ahaan Meelaha ay ka mid tahay,Dhumay,Fiqifuliye,Jiidali,Xudun,Kulaal iyo Nawaaxiga Degmadda Awrboogays.

Sida uu noo sheegay Samadoon Xidig Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa Qabanqaabiyayaasha Shirkani lagu Qabtay Degmadda Awrboogays waxaa shirkani ahaa talo bixin iyo Baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo Qurbojoogta Beesha ugaadhyahan iyo sidii Dadka Deegaanku isugu Xilqaami lahaayen inay Ilaashadaan Degaankooda maadaama buu yiri ay dalkii yimaadeen dad col ku ah Dhirta oo jaraya Dhirtii ay xoolohu Daaqi lahaayen,Xidig ayaa sidoo kale u sheegay Shabakadan in ay sidoo kale shirkooda ku lafa gurayeen sidii loo taakulayn lahaa Dadki ay waxyeelen Abaarihi dabada dheera ee Mudooyinkii ugu Dambeeyay ka jiray Deeganadda SSCayn.

Go'aamadi Laga soo saaray Shirkii Degmadda Awrboogays ee Gobolka Sool:-

 

1-Meelaha  ay Dhuxushu ka timaado sida Bosaso,Ceergaabo,Garowe,Gaalkacyo iyo Laascaanood waxaa looga digayaa cidii Dhuxul jarid u timaada Deeganadayada(Sool iyo Sanaag)  wixii 15 Berri ka dambeeya waxay la kulmi doonaan   Ciqaab dhan 20 Milyan Sh.So. iyo Dhuxusha oo la gubo.

2-In ninkii shida Dhuxusha 15 Berri ka bacdi oo lagu arko Dhuxusha in Talaabo cad ay Dadka Deegaanka oo isxilqaamay ka qaadi doonaan ,Gaarigi isna lagu qabto isagoo dhuxul guraya oo ka qaadanaya Deeganadda ku xeeran Sool iyo Sanaag waxaa laga qaadayaa Ganaac lacageed oo ah cadadkaan kor ku soo sheegnay iyo Xadhig.

3-In Qurbo joogta Reer SSCayn ay Gargaar la soo gaaraan Dadkii ay naafeyen Abaaruhu oo gaaraya 500 oo qoys kuwaasi oo xoolihi iyo Gaadiidki ka dhamadeen waxaana Hay'adaha Deeqda bixiya iyo Qurbojoogta Deegaanka la ogaysiinayaa inay Dadkaasi Kaalmo la soo gaaraan.

Saxiixayaashi Go'aanka Shirka Awrboogays waxay kala yihiin:-

 1-Nabadoon Cabdi maxamuud Bile
2-Nabadoon Maxamed Nuur haariye
3-Nabadoon Yuusuf xasan Darwiish
4-Samadoon C/laahi Maxamed Ismaaciil
5-Sheikh Cabdulaahi Nuur maxamed
6-Sheikh cali xuseen axmed
7-sheikh C/qaadir Jaamac shire
8-Sheikh Aadan Axmed cali(Dhurwaa).
9-Oday Cabdi Xanan Jaamac.
10-Oday Maxamuud Xaaji cumar.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com