shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ardeyda SSC ee wax kabarata India oo Taageertay Shirka Beelweynta Dhulbahante ee manta ka furmay Magaalada Nairobi. 

(Hyderabad Oct  03,  2009 Ceegaag Online)

Ardayda Waxkabarata Magaladda Hyderabad ee dalka India kana soo jeeda Gobolada SSC oo xalay xaflad ku qabsaday Hotel-ka Pearl Regency ee magaaladaasi ayaa taageero u muujiyay shirka Beesha Dhulbahante ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

kulankan ay isugu yimaadeen Ardaydu ayaa waxaa qadka Telephone-ka uga qeybqaatay Garaad Jaamac Garaad Cali isagoo ardayda ku dhiiri galiyay in ay waxbarashadooda ku dadaalaan si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan.

Waxay Ardaydu si buuxda u soo dhawaynaysaa una garab taagan tahay shirwaynaha Beesha Dhulbahante ee manta ka furmay magaalada Nairobi, Ardaydii ka Hadley xaflada ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Hassan Ibraahim,     Aar Muxumed Aw-xuseen (Aar Diarra), Cali Muuse Jaamac (Cali Dhuux), Maxamud Hassan Shire,  Faisal Jaamac Cali Abokor iyo Mustafe Cabdi Cismaan

Daawo Sawirada

Cali Muuse Jaamac (Cali Dhuux)

yagoori50@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com