shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Alshabaab oo Caruur yaryar Magaaladda Kismaayo ku abaalmariyay Hub iyo Rasaas.

(Kismaayo,  Oct  17,  2009 Ceegaag Online)

Kooxda Mayalka adag ee Alshabaab ayaa Magaaladda Kismaayo ee G/J/hoose Rasaas iyo Hub ku abaalmariyay Caruur yaryar oo Da'doodu u dhaxayso 10-25 Sano jir,Abaal marinta Hubka ah ee ay bixisay Alshabaab ayay Caruurtani ku mutaysteen Markii ay ku guuleysteen Barnaamij Tartan Quraan ah oo ay soo qabanqaabisay Wilaayadda Islaamiga ah ee Kismaayo oo hoos tagta ururka Alshabaab.
 
Goob jooge ku sugan Magaaladda Kismaayo oo codsaday inaan Magiciisa la shaacin ayaa Shabakadan u sheegay in Xaflad balaaran oo shalay ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiinta Ururka Alshabaab lagu bixiyay Abaalmarinadan aadka u yaabka badan,Ardayda Guusha Hubka ah heshay ayaa dhamaa 10 wiil oo dhamaantod Rag ah kuwaasi oo qeybtood aad u Da'yartahay waxaana Ninkii kow u galay uu ku guuleystay,Qori AK47 ah,Hubka looga hortago Taangiyada iyo Computer Lap top ah.
 
Si kastaba ha ahaate Arrintaani ayaa noqotay arrintii ugu yaabka Badnayd ee ka dhacda Somalia waxaana la sheegay in Markii Caruurtaasi hubka la gudoonsiiyay uu khudbad waano ah u jeediyay Masuulka Arrimaha Bulshada ee Kismaayo Sheikh Cali wuxuuna yiri"Bismilaahi Raxmaani raxiim runtii waxaa idiin khayr badan idinka inaan idin siino Hub aad ilaahay Cadawgiisa isaga difaacdaan isla markaasna aad diinta ku Ilaalisaan,Anaga Lacag waan awoodna inaan idin siino hayeeshe anaga ayaad naga mid tihiin oo waad Jihaad tagaysaan ilaahay Diintiisana ilaaliya".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com