shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Xaaji Maxamed Maxamud Yeey oo ku geeriyooday Widhwidh.

(Widhwidh Oct  11,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Saaka ku geeriyooday Magaalada Widhwidh  Allaha u naxariistee Xaaji Maxamed Maxamud Yeey  oo si wayn looga yaqaannay loogana tixgalinjiray dhamaan Deegaanada Soomaalida siiba Gobolada SSC.

Anaga oo ah bahda Ceegaag.com iyo Reer Xaaji Cali Cilmi Iidle Waxaanu tacsi u diranaa dhamaan Reer Maxamud Yeey meelwalba oo ay Joogaan, anaga oo uga tacsiyeyneyna Geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Xaaji Maxamed Maxamud Yeey waxaan ilaahay uga baryanaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo Aamiiin.Aamiin. Aamiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com