shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safarka Madaxweyne Sharif Sh. Axmed uu ku booqanayo Jaaliyadaha Soomaalida ee Degan Dalka Maraykanka.

(Minneapolis Oct  05,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha DKMG ah ee somalia Sharif sheikh axmed ayaa ka soo laabtay Todobaad ka hor shirkii Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay,Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Masuuliyiin ka tirsan Golaha wasiiradda oo uu ka mid yahay Shariif xasan sheikh aadan Wasiirka Maaliyadda DKMG ah ee somalia,Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh axmed ayaa tegay Goboladda ay soomaalidu ku badantahay ee Minisota iyo Virginia wuxuuna hadda u ambabaxay Gobolka OHIO oo isna ka mida Meelaha ay joogaan soomalida ugu Badan ee Maraykanka.

Daawo Qudbadii

QEYBTA 1-AAD


 

QEYBTA 2-AAD



 

QEYBTA 3-AAD


QEYBTA 4-AAD


 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulamo la yeeshay Soomaalidda ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo sharraxaad uga bixiyay xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo dhibaatooyinka ka jira.

Madaxweynaha wuxuu ka jawaabay su'aalo badan, isagoo sheegay in dadkan looga baahan yahay inay taageero siiyaan xukuumadda si ay ugu guulaysato inay dalka kusoo celiso amaan iyo kala dambeyn"Dalka waxaa ka jira dagaallo ay wadaan kooxo Islaamiyiin ah oo diidan dowladda, waxay qorsheynayaan inay afgabiyaan, innaguna waxaan wadnaa qorshayaal aan ku difaacayno dowladda iyo jirtaankeeda" ayuu yiri Sharif sheikh axmed.

Madaxweyne Shariif wuxuu gaashaanka ku dhuftay in dowladdu ay iibsatay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in badda iyo barriga Soomaaliya aysan jirin cid iibsan karta uuna yahay mid ay wada leeyihiin dhamaan Soomaalida, inta gudaha ku sugan iyo kuwa dibadda ku maqan "Colaadaha ka jira Somalia waxaa ka wanaagsanaa kuwii Qabiilka, waayo qabiilku been kama sheegayn diinta, dagaalladooduna waxay ahaayeen kuwo xad leh oo la garan karo meel ay ku ekaayeen" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweyne shiikh shariif ayaa sidoo kale si kulul uga hadlayay Dhalinyaradda Soomaalida Maraykanka ah ee ku soo qulqulaya Gudaha somalia isagoona gaashaanka ku dhuftay in Dhalinyaradaasi badankeeda fikradaha laga soo siiyay Masaajid ku yaala Gudaha Cariga Maraykanka wuxuuna yiri "Waalihdiinta ay caruurtoodu ku dhinteen Somalia iyo kuwa ay uga maqan yihiin waxaan leeyahay ALLE samir wanaagsan ha idin siiyo, waana inaad gacan bir ah ku qabataan carruurtiinna si aad uga badbaadaan inay dagaallada ka qaybgalaan,Runtii waxaan isleenahay ku booriya Wadaada masaajida Maraykanka inay Dhalinyaradda Baraan Wadaniyada iyo Dal jacaylka".

Sharif sheikh axmed ayaa sidoo kale intii uu ku jiray Booqashadi Gobolka Virginia oo ka horaysay Tan uu xalay Minesotta ku joogay u jeediyay Shacabka Soomaalida inay Taageeraan Dawladda KMG ah ee soomaaliya isla markaasna wuxuu ka sheekeyay Taariikhdi ay isla soo mareen Ereteria oo fadhi u ahayd Markii uu mucaaradka ku ahaa Dawladi uu Majaraha u hayay Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuuna yiri"Aniga waxaan joogay Ereteria waagi Itoobiya dalka joogtay,aniga waxaan danaynjiray Midnimadda Shacabka soomaaliyeed hadana aniga iyo Sxbkay Shariif xasan aad baan u wada tashanjirnay shirkii Jabuuti runtii waxaan islahayn wuu Miradhalayaa wuuna noqday,Sxbkay Xasan daahir wuu na diiday anaga waan ka soo tagnay Asmara waxaana nimid Masar waliba waa naloo diiday inaan Casmara ka baxno oo Dawladda Masar baa na damiinatay,waxaanuna ku fekernay hadaad noqotaan amaa la idin dilaa ama la idin xiraa".

Khudbadi xalay ee Gobolka Minesota ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay C/risaaq Cismaan Juurile oo hadda ka tirsan DKMG ah ee somalia isla markaasna ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta isagoona Hambalyo u diray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed,Juurile ayaa magaaladda Minneapolis Maalmihi ugu Dambeeyay kulamo kula yeeshay qaybo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolkan oo ah Gobolka ay Deganyihiin Soomaalida ugu Badan ee Maraykanka ku nool.
 

Daawo Sawiradda 

Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com