shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shabakada Wararka ee Ceegaag.com oo Raaligalin ka bixineysa war kusoo baxay mareegtan.

(Buuhoodle,  Oct  27,  2009 Ceegaag Online)

Shabakadda wararka ee Ceegaag Online waxay ka cudurdaaranaysaa war ku soo baxay shabakadda bishii September 13kii,2009 kaas oo ku saabsanaa odayaal lagu soo eedeeyay in ay wax ka dileen labada  marxuum ee kala ah (Maxamed Cabdi-giir Dabagooye iyo Cabdifataax Maxamed Dabagooye) oo lagu dilay tuulada Sararawayne ee degaanka Buuhoodle isla bishaas September 12, 2009, balse warkaasi noqday mid “qayooday.”

Ka dib baadhitaan dheer oo ay si wadajir ah u sameeyeen qaar ka mid ah labada ardaa ee dhibku kala gaadhay , maxkamadda degmada Buuhoodle iyo hawlwadeennada shabakadda Ceegaag Online  waxaa adkaatay in odayaasha hoos ku qoran lagu caddeeyo in ay ka qaybqaateen dilkii ka dhacay Sararawayne. Odayaashaasi waxay kala yihiin

1. Aadan Xaaji Jaamac Gadhwayne (Aadan Toohe)

2. Muuse Aadan Carab

3. Cabdi Faarax Gucuri ( Cabdi illow) iyo

4.Faarax Xasan Jaahay (hagoogane)

Haddaba waxaa maamulka Ceegaag Online ka raalligalinayaan warkaas lagu daabacay shabakadda , dhammaan odayaashaas kor ku xusan,qoysaska ay ka soo jeedaan  iyo dhammaan akhristayaasha mareegta Ceegaag oo looga bartay in ay baahiso warar xaqiiqo ah. Waxaa xusid mudan  in inta badan ay dhacdo  in  shakhsi  lagu soo oogo faldanbiyeed aanu galin , balse haddii danbigaasi ku caddaanwaayo uu noqodo shakhsigaasi  “danbilaawe” xaqna u yeelanayo in raalligalin buuxda la siiyo.

Waxaa xusid mudan in  shabakadda Ceegaag ay horay ula soo xidhiidheen qaar ka mid ah ehellada  ay ka soo jeedaan odayaasha kor ku xusan codsadayna in warkaas baadhitaan loogu sameeyo. Haddaba  waxaa shabakada Ceegaag horay ugu ballanqaadday qoysaska lagu soo oogay in ay ka qaybqateen dilkaas  in ay warkaas  xaqiiqadiisa si caddaalad ah u soo baadhayaan

Sidaas darteed, waxaan akhristayaasha shabakadda u sheegaynaa in odayaashaas kor ku xusan danbigaas lagu soo oogay ay  ka yihiin “xalay-dhalay” iyadoo shabakadda Ceegaag ku salaysay raalligalinteeda ka dib markii la soo afjaray maxkamaddii u socotay labada ardaa ee dhibku kala gaadhay laguna  kala saaray  shareecada diinta Islaamka toddobaakii ina soo dhaafay.

Waxaa xusid mudan  in aan maxkamaddaasi intii ay socotay marna lagu soo qaadin dacwad ka dhan ah odayaashaas kor ku xusan oo ay soo gudbiyeen ardaagii dhibku gaadhay, iyadoo taasi makhraati u tahay in ay ku  qanacsanyihiin in labadaas marxuumba uu dilay marxuum Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud oo lagu fuliyay qisaas loo maray shareecada  Islaamka bishii September 19, 2009.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com