shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka duliista hawada ee Maamulka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Garaash" oo lagu soo dhaweeyay Caasimada Boston

(Boston,  Oct  26,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Boston ee caasimada Gobalada Maraykanka ee laysku  yidhaahdo Ingirriska Cusub(New England) si diiran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada ee Maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan “Axmed Garaash”.

Qaban qaabada Soo dhaweenta oo ay Hormood u ahaayeen Gabdhaha Jaaliyada SSC ee magaalada Boston oo ay Horgale ahaayeen Dictooraysa Fardoowsa Axmed Suldaan, Sahra Warsame Cismaan iyo Ubax Xaaji Afwayne oo ah gabadh si aada isugu dibo rida xafladaha reer Boston kuwaada ugu tunka wayn(ugu cul-culus).

Waxaa Xaflada Daadihinayay abaabulkeena ka danbeeyay Xasan Ilyaas oo aan run ahaantii ku fashilmin xaflada kana soo dhalaalay hawsha uu dhabarka u ritay ee ahayd agaasinka xaflada.

Waxaa xaflada ku furay Aayaado quraana iyo wacyi Sheekh C/qaadir Hindi isaga oo dadka ku dul akhriyay aayado quraana oo uu dadka ku xasuusinayay cabsida eebe subxaanalaah. Iyo in loo baahan yahay in shirkasta xumaanta layskaga reebo wanaagana laysku faro.

Waxaa hadalka Furay sida dhaqanka ah Cabdilaahi Gurxan (Madey) oo kamid ah Odayada Boston kuwooda ugu calculus.

 

Kadib waxaa hadlay Marti sharaftii

 

 Shirka oo kala ahaa

Dhagayso  Cismaan

Waxayna tidhi  Dhagayso

 

 

  Dhagayso Odhaahii Xildhibaanada

 Dhagayso Kornayl Carab

Dhagayso Bardo cad oo arimo Turxaan Bixinaya

Kadib Madasha Shirka waxaa lagu wareejiyay  Wasiirka duliista hawada ee Maamulka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Garaash"  oo yidhi

Dhagayso Qaybta 1aad

 

------------------------- 2aad

Lasoco Su'aalaha oo aad u xiiso badan oo ka dhawr shabakadan

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com