shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-shabaab oo la wareegay Gacan ku haynta Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

(Kismaayo,  October 01,  2009 Ceegaag Online)

Halkaan ka dhagayso Afhayeenka Al-shabaab Sheikh Cali dheere oo ka waramaya Natiijadda Dagaalki Kismaayo :

Wararkii ugu Dambeeyay ee aan ka helayno Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/hoose ayaa sheegayaa in Maanta Dagaalki ka dhacay Magaaladda ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen Dad gaaraya 60,Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ayaa u badan Dhinacyadda ay Dirirtu dhexmaraysay waxaana Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Magaaladda Kismaayo ayaa noo sheegay in Magaaladda oo idil ay badi hadda gacanta ku hayaan Ururka Mayalka adag ee Al-shabaab.
 
Dagaalka oo Aroornimadii hore ee Saaka ka bilowday Magaalada Dhankeeda Galbeed Gaar ahaan Xaafada Via Afmadow ayaa Saameeyey Qeybo kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo ,Dad badan ayaa isaga Cararay Dagaalada ka socdo Magaalada kuwaas oo u Barakacay Deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada Kismaayo.
 
Dagaalka ayaa qaboobay Duhuradii Maanta kadib Markii Ciidamadii uu watay Sh Axmed Madoobe ee Dagaalka lagalay kuwa Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ay Dib ugu gurteen Daafaha Magaalada Kismaayo iyagoona lasheegay inay u baxeen dhanka xaafada Siinay ee Magaalada ,Xaalada Magaalada ayaa haatan Degan waxaana Isbitaalka Magaalada Kismaayo la soo gaarsiinayaa Dhaawacyadii ku xanibmay Dagaalka iyadoona uu iminka Cusbitaalku la liicliicayo Dhaawacyada ku waxyeeloobay Dagaalka.
 
Marka taasi laga soo tago taasi A-shabaab ayaa ka hadlay Dagaaladda ka socda Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/hoose iyadoona Shir jaraa'id oo uu Qabtay Afhayeenka Shabaab sheikh cali dheere ku sheegay in Dagaalku aanu u dhaxayn Hizbul Islaam iyo Alshabaab ee ay la diririyaan kuwo Dano gaar ah leh waa sida uu hadalka u dhigaye "Dagaalkani Mujaahidiinta Dhexdooda uma dhexeeyo uma dhexeeyo Garabyada Jihaadka kuwada jira… Dagaalkain uma dhexeeyo Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab umana dhexeyn doono mana Dagaali doono idinka Alle S.W".
 
Cali dheere oo sii wata Hadalkiisa ayaa yiri Markale"waxaanu rabnaa in aan Shacabka Muslimka ah ee runtii lafdhabarka u ahaa oogida iyo hirgalinta Shareecada Islaamka Garabna siin jiray Mujaahidiinta iyo Maamulkaa Islaamiga ah inaan u cadeyno in Dagaaka ka jiro Maanta Magaalada Kismaayo uu yahay Dagaal Wilaayada Islaamiga ah ee Sanadjirsatay lagu Difaacayo".

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com