shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Dhalinyarada SSC ee Xagardheere  oo doortay gudoomiye, kuxigeen iyo xubna kale

(Xagardheere, Nov  01,  2009 Ceegaag Online)

Ururka dhalinyarada Reer SSC ee xagardheer ayaa kulankoodii ugu dambeeyey lagusoo bandhigay dhammaan xubnaha katirsan ururka ee xilka loo dhiibay, Shirkan oo kadhacay Hagafe hotel ee xagardheer ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo door ah oo khuseeya danta guud ee reer SSC, shirka ayaa waxa uu ku furmay jawi aad u wanaagsan kaas oo dhammaan kasoo qaybgalayaashu ay aad ugu maqsuudeen.

Ugu horayntii waxaa aayadaha quraanka kariimka ah kasoo jeediyey Sheekh C/qani C/casiis C/raxmaan, kadib aayadaha quraanka kariimka ah ayaa ka dambaysay muxaadaro aad u qiimo badan oo iyadana halkaas laga soo jeediyey.

intaas kadib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Chairman-ka shirka Mr khadar Axmed Cabdi, kaas oo kahadlay danta ururka iyo waxyaabaha looga baahanyahay inay sida ugu dhakhsaha badan u hirgeliyaan, waxa uu chairman-ku sheegay inay muhiim tahay isku duubnaanta dhalinyarada beesha SSc ee xagardheer ay muhiimad gaar ah leedahay waxa uuna dhalinyarada ku boorriyey inay gacmaha isqabsadaan islamarkaana si wadajir ah u taageeraan Hogaanka cusub ee beesha SSC..

Intaas kadib ayaa waxaa si wadajir ah masraxa loogu soo dhaweeyey guddoomiyaha cusub ee ururka dhalinyarada besha SSC ee xagardheer Mr. Axmed Cabdi Baaruud, kaas oo dadweynuhuna inbadan sugayeen guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay kuna dheeraaday midaynta dhalinyarada iyo waxa la gudboon ururka uu madaxda ka yahay isaga oo ballan qaaday inuu xilkiisa uu u gudan doono habka ugu habboon. waxa kale oo uu intaas ku daray inay midnimada SSC ay tahay muqadas cidna aan looga haybaysan doonin sharafta umadda reer SSC.
 
waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey kana hadlay madasha G/xigeenka ururka Mr. cabdirisaaq ismaaciil xirsi (C/risaaq Jaah'adag) waxa uuna kawarbixiyey inta meelood ee dunida dacaladeeda ah ee shirkanoo kale ka dhacay lagana asaasay ururka DARWIISH YOUTH ORGANIZATION SSC. isaga oo sheegay in ururku hadda uu ka hirgalay wadamo dhowr ah sida wadamada
Italy, Sweden, USA,Australia. iyo wadamo kale oo farabadan oo qurbaha kamid ah oo ay ku noolyihiin dadweyne reer SSC sidoo kale waxa uu sheegay in degmooyin badan oo deegaanka SSC ah laga yagleelay ururkan sida buuhoodle boocame iyo taleex...
 
Waxaa sidoo kale ka hadlay madasha xoghayaha ururka Mr. Maxamuud Cabdikariin Xasan (Maxamuud cabdi tuulo) waxa uu xoghayuhu sheegay in ururka aas aaskiisu ku qaatay wakhti dheer uuna geed dheer iyo mid gaabanba u saaranyahay danta iyo midaynta dhalinyarada maadaama ay laf dhabarta bulshadu ay tahay dhalinyarada.
 
Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay xubno farabadan oo aynaan halkan kusoo koobi karin waxaana ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay Khasnajiga ururka C/risaaq maxamed Ismail Jiir (Laaska) kaas oo sheegay islamarkaana ballanqaaday in dantiisa gaarka ah uu ka hormarinayo danta bulshada reer SSC, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay xeer ilaaliyaha ururka, afhayeenka ururka iyo xubno kale oo aad u farabadan...
 
Liiska magacyada Ururka darwiish youth organization ssc.
 
1.Guddoomiyaha Axmed cabdi baaruud
2.G/xigeenka Cabdirisaaq ismaaciil (cabdirisaaq jaah'adag)
3.Xoghayaha ururka Maxamuud cabdi tuulo
4.Xeer ilaaliyaha garaad maxamed cumar
5.Khasnajiga  C/risaaq maxamed ismaaciil jiir (laaska)
6.Afhayeenka ururka C/mahad  Ishaad
7.Xiriiriyaha ururka Mowliid dhoolayare

Daawo Sawiradda

ABDIRISAK MOHAMED ISMAIL JIIR (laaska)

webmaster@ceegaag.com