shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tababar ugu soo xirmay Suxufiyiinta Puntland Magaaladda Garoowe.

(Garoowe, Nov  04,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland Tababar uga Furmay Qaar ka mida Suxufiyiinta ka hawlgala Idaacadaha,Raadiyayaasha,Televisionadda iyo Websiteyadda Deegaanadda Puntland,Tababarkaani ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSUJ iyadoona uu Tababarkaani ka socday Mudooyinkii ugu Dambeeyay Xarunta Jaamacadda Puntland ee PSU.

Tababarkaani loogu soo xiray Jaamacadda Puntland ee PSU(Puntland State University) ayaa waxaa ka qaybgalayay Suxufiyiin Tiradoodu Gaarayso 27 Saxafi oo ka kala yimid Goboladda Puntland,Tababarka ayaa waxaa Bixinayay Sharci yaqaano Saxaafadda Ku xeeldheer iyadoona lagu baranayay Qodobadda kala ah.

Tayaynta Saxafi waayo aragnimo iyo Khibarad u leh Hawlaha Warbaahinta, Barashadda Sharciyadda Saxaafadda iyo Madaxbanaanida Saxafiga.

Daawo Sawiradda

webmaster@ceegaag.com