shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Somaliland oo Yeelatay Guddi cusub oo Hogaamiya Doorashooyinka Dhacaya Bisha soo socota.

(Hargeysa, Nov  04,  2009 Ceegaag Online)

Muran iyo Isqabqabsi Doorasho ayaa ka jiray Somaliland Bilihii aanu soo dhaafnay,Hase ahaate waxaasi oo dhan way Dhamaadeen Markii ay Dhinacyada Siyaasadu isla Garteen inay Dantooda aqoonsadaan oo ay ilaashadaan Nabadda ay haystaan Mudada 20ka sano ah oo Koonfurta Somaliyana ay Ololayso,Wadahadalo Dheer ka dib oo waxaa Saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland isla Garteen in dib loo eego waxa Dhaliyay Khilaafaadka Doorasho ee Rabshadaha Dhaliyay ee ka dhacay Gobolka Bil ka hor,Inkastoo ay jireen Amuuro waaweyn ayaa hadana waxaa la isla gartay in La bedelo Comisionka Doorashooyinka Somaliland si loo helo Doorasho Xaalal ah.

Guddi cusub oo ka kooban 8 xubnood ayaa ay si wadajir ah usoo dhiseen Xisbiyadda UDUB,KULMIYE iyo UCID,Xaflad Balaaran ayaa ka dhacday Hotel Mansuur ee Magaaladda Hargeysa taasi oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Xisbiyadda iyo Marti sharaf kale,Gudoomiye waxaa looga Dhigay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland Ciise Maxamuud Yuusuf(Xamari) waxaana ay Guddigani la wareegeen Gaadiidka lagu Qaban lahaa Doorashooyinka Maamulka Somaliland iyo wixii Dakhli ahaa ee kale ee ay u isticmaali lahaayen Doorashooyinka Madaxtinimo ee la filayo inay ka dhacaan Gobolkaasi Bisha Fooda inagu soo haysa.

Hase ahaate Lacag gaaraysa Nusmalyuun Dollar(0.5 M) ayaa la sheegay inay ku maqantahay Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland,Gudoomiyaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Xamari ayaa ka waramay Shaqada Guddiga cusub iyo Doorka Doorashooyinka Gobolka "xilwareejintii waxaanu komishankii hore kala wareegnay wixii agab hoos yaalay gaadiidkii iyo dhamaan agabkii doorashooyinka iyo diiwaangelinta, natiijaooyinkii doorashooyinkii hore, wixii xisaabaad deyn ah lamaanu wareegin sababtuna waxay tahay is la maanu meel dhigin. Waxa kale oo aan idiin dheegayaa komishanka xilka nagu wareejinaya hada, runtii waxay la kulmeen hawl aad u adag oo culus oo ka culus hawshii komishankii ka horeeyay, hawshaasi waxay ahayd tii diiwaangelintii oo aad u cuslayd".

Si kastaba ha noqotee Waxay u muuqata Inay Dantay Xiisadi Siyaasadeed ee ka jirtay Somaliland Bil ka hor taasi oo qarka u istaajisay Somaliland inay ka bilaabmaan Dagaalo Qabaa'il ku salaysan oo Somalia Maanta la daala dhacayso.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com