shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamadda Amaanka ee Laascaanood oo xabsiga u taxaabay Shiikh Axmed Maxamed Suleymaan

(Laascaanood, Nov  03,  2009 Ceegaag Online)

Wararka Naga soo gaadhaya Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamadda amaanka ee magaalada Laascaanood Saaka Gurigiisa ka qabteen Shiikh caan ah oo si wayn looga Yaqaanay Magaaladda Laascaanood, Wadaadkan ayaa lagu Magacaaba Shiikh Axmed Maxamed Suleymaan wuxuuna ka mid ahaa Mashaa'ikhda ugu Waaweynaa Culuma'udiinka Gobolka isagoo Tiro ka dhawr jeer ka qaybgalay Nadwo diimeed laga Fuliyay Gobolka.
 
Wadaadkan ayaa Ciidamadda Biliisku ugu soo dheceen gurigiisa Inkasta oo  warar kale oo xog ogaal ah oo aan ka helayno Laascaanood tilmaamayaan inay jiraan Shuyuukh kale oo iyagana laga qabtay magaaladda Laascaanood. Goob jooga ku sugan Laascaanood ayaa shabakadan u sheegay in Ciidamada Somaliland tan iyo Intii Qaraxu ka dhacay Laascaanood ay Qabqabteen Dad tiradoodu Kor u dhaafayso 50 qof oo u badan Culuma'udiin caan ah oo Deegaanadda SSC si wayn looga Yaqaano.
 
Si kastaba ha ahaate Masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka ayaa ku hawlan soo qabashada Dadkii ka dambeeyay Qaraxii Laascaanood ee lagu Dilay Sarkaal ka tirsan Somaliland oo lagu Magacaabi jiray allle ha u naxariistee Cismaan Yuusuf Nuur.

Sarkaalkaa oo si fulaynimo ku dheehantahay loo qar xiyay gaadhigii uu watay badhtamaha magaalada Laascaanood.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com