shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kuliyadda Tababarka ee Degmadda Carmo oo Maanta Tababar loogu soo Gabagebeeyay Ciidamo Ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya.

(Carmo, Nov  09,  2009 Ceegaag Online)

Kuliyada Tababarka Ciidamada Booliiska ee Magaalada Carmo ayaa maanta xaflad loogu qabtay ciidamo loo tababaray DKMG ah oo tiradoodu gaadhaysay 600 oo Askari kuwaas oo mudo 4 bilood ah ku sugnaa Carmo oo ay tababar ku qaadanayeen.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ma’uuliyiin kala duwan oo kala matalayay DKMG ah iyo Maamul Goboleedka Puntland kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha DKMG ah C/rashiid Maxmuud Xidig Taliyaha guud ee Booliska Soomaaliya Cabdi xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Marti kale , waxaana Maamulka Puntland Xafladda uga qabeyb galay Wasiirka Amniga C/laahi Siciid Samatar , Duga Magaalada Carmo , iyo Mas’uuliyiin kale oo aan magacyadooda la shaacin.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Duqa Magaalada Carmo oo ugu horey u mahad celiyay mas’uuliyiinta kala duwan ee Xafladda ka soo qeyb gashay iyo sidoo kale Askartii tababarka qaadanaysay oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Askar wax tar leh, waxaana intaa kadib hadal kooban soo jeediyay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo C/rashiid Maxamuud xidig waxayna sheegeen in Askarta tababarka qaaday ay waxbadan ka tari doonaan Amniga Dalka sidoo kalena ay aqoon buuxda u yeesheen qaabka guud amniga loo sugo iyo habdhaqankaba.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Siciid Samatar oo tibaaxay in ay muhiimad gaar ah leedahay in la helo tiro intaa la eg oo dhalinyaro ah ay diyaar u noqdeen in ay amniga dalkooda isku howlaan

Ma aha Markii ugu Horaysay ee Tababar Carmo loogu Soo xiro Ciidamo Soomaali ah Balse in ka badan 10,000 oo biliiska ah ayaa Tababar loogu soo Xiray Carmo oo ay hadda ku taalo Kuliyadda Biliis ee ugu Wayn Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com