shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadka dalkooda uga digo rogtay Xeryaha qaxootiga ee kiiniya oo ay lasoo daristay dhibaato baahsan

(Kiiniya, Nov  21,  2009 Ceegaag Online)

Warar isasoo taraya oo naga soo gaadhaya xeryaha qoxootiga ee loo ooday dadka Soomaalida ah ee isga cararay cadaawada qaawan ee ay ku hayaan kooxo diimeedyada isku haya xukunka dalka Soomaaliya ayaa si ba'an u qeexaya xadgudubyo ka dhana xuquuqul insaanka.

 

Xadgudubyadan ayaa waxaa kamida Kufsi aan loo meeldayin, Raashianka oo Suquuqul laga galiyay ka dib markii uu is maan dhaaf soo kala dhexgalay WFP iyo dawlada Kiinyiya. Biyo La'aan, Daryeel Caafimaad La'aan. iyo dhibaato uga imanasa Deegaanka xeryaha looga ooday.

 

Waxaa taa usii dheer dadkan Soomaaliyeed arxandaro iyo ka dhiidhi la'aan dadkii kasoo digo rogtay xeryahan oo aan marna dib u eegin dadkii uga hadhay xeryahaas. rajona aan laga qabin inay caalamka ku booriyaan waxa ka dhacaya xeryahan.

 

Iskusoo wada duuboo waxaa xaqiiqo ah in dalka Soomaaliya uu cagaha la'galay wakhti aad xasaasi u ah una baahan yahay in la badbaadiyo khaasatan dadka Soomaaliyeed ee lagu gumeenayo caagada Saliida ah.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com