shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Salaada Ciidul Adxaa oo laga Tukaday Goboladda Puntland.

(Garoowe  November 27,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa ay Maanta ku beegnayd Tukashadda Salaada Ciidul Adxaa oo ku aadan wakhtiga ay Muslimiinta Caalamku gudanayaan Xajka,Salaada Ciida ayaa maanta laga tukaday Guud ahaanba Dunida Islaamka,Soomaaliya ayaa lag ciiday Maanta Marka La eego Magaalooyinka Muqdisho iyo Deegaanadda kale ee Koonfurta Soomaaliya ayaa si kala gooni,gooni ah looga Tukaday Salaadi Ciidul Adxadda,Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa iyana Si wayn looga Ciiday Maanta oo Jimce ahayd.
 
Magaalooyinka Boosaaso,Qardho,Garowe,Gaalkacyo,Buuhoodle iyo Laascaanood ayaa Maanta sidoo kale si wayn looga Oogay Salaadi Ciidul Adxadda,Magaaladda Garoowe ayaa lagu Tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Mire awaare waxaana ka soo qaybgalay Tukashadda Salaadi Maanta-Haween,Caruur,Dhalinyaro iyo Shuyuukh waxaa sidoo kale iyana Goobta ku sugnaa Masuuliyin ka tirsan Maamulka Puntland.
 
Inta aan salaada Ciida la tukan ayaa waxaa Masuuliyiinta loo hor mariyay qudbooyin kala Duwan Kuwaas oo dhamaantoodba ka sinaa Dhanka Amniga inkastoo Madaxwaynaha Puntland uu isagu ka hadlay Arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa ayna ugu horayso Amaanka, waxana uu balan qaaday in ka maamul ahaan ay amaanka xoojin doonaan waxaana uu ugu Baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan Amaanka Ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan, waxaa uu si gaar ah u xusay dadka soo barakacay koonfurta Soomaaliya kana shaqaysta Puntland in ay soo sheegan dadka ku dhuumalaysanaya ay iska qabtaan oo ay amaankana Ka shaqeeyaan,Madaxwaynuhu waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay heshiis dhawaan ay ku kala boodeen Isaga iyo Madaxwayne Sheekh Shariif sh. Ahmed kaaso ka dhacay Nairobi waxaa uu ku tilmamay waa sida uu hadalka u dhigaye mid lagaga soo horjeedo hormarka iyo mashaariicda Puntland kaasna aysan cidna ka yeelayn.
 
Magaaladda Boosaaso ayaa iyana Maanta laga Tukaday Salaadi Ciidul Adxaa waxaana lagu oogay Stadium Boosaaso halkaasi oo laga jeediyay Khudbado kala Duwan,Magaaladda Qardho ayaa laga Tukaday Salaada Ciida waxaana ka hadlay Madaxweynihi Hore ee Puntland Gen:Cadde Muuse Xirsi oo sheegay inay Laga maarmaan tahay in la dhawro Amaanka isagoo ka hadlay Falal Amaanka lidi ku ahaa oo Maalmihi ugu Dambeeyay ka dhacayay Magaaladda Qardho isagoo yiri"Waxaan leeyahay Shacabka Reer Puntland ilaashadda Amaankiina iyo Danihiina...Waad aragtaan Maanta Somalia way ololaysaa waxa ka taagana iyagaa Soomali gacmohooda ku kasbaday...Reer Qardhod ayaama Dhawayd waxbaa la idinka sheegayay iska daaya waxaas waa inaad Danihiina Raacataan waad ogtihiin Jabkii dhacaye".
 
Isku soo wadda Duubo salaada ayaa sidoo kale laga Tukaday Magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood iyadoona ay Iidaan Caan ku tahay Qalida Xoolaha Noocyadooda Kala duwan.

Daawo Sawirada


Abdirashid Mohamed Dahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com