shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/laahi Xasan cali oo ka mid ahaa Ragii Puntland haysay ee Beesha absame ka soo jeeday oo ku dhintay Maanta Xabsi ku yaala Bosaso.

(Boosaaso, Nov  02,  2009 Ceegaag Online)

Nin ka mid ahaa 5 nin oo uu Maamulka Puntland ka qabtay Dekeda Magaalada Boosaaso kana yimid Dalka Yemen ayaa Maanta ku geeriyooday Xabsi uu ku xidhnaa waxaana ninkaa lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan Cali,Warar xog ogaal ah aya shabakadan u sheegay in Ninkaasi uu la ildarnaa Cudur khatar ah,Ninkaan ayaa la sheegay Maanta markii uu si wayn u xanuunsaday in loo ogolaaday in la geeyo Goob caafimaad.
 
Maamulka Puntland ayaa bilowgii bishii tagtay ee October Dekedda Boosaaso ka qabtay 5 nin oo u dhalatay Gobolka Somaligalbeed (ogaadeeniya) oo xiligaa ka yimid dhanka Yemen, wuxuuna Maamulka Puntland Xukuumada Itoobiya u gacan galiyay mid ka mid ah 5-taa nin taas oo tiradooda u kala qeybineysa mid Itoobiya loo gacan galiyay, mid dhintay , iyo Sadex wali ku jirta gacanta Maamulka Puntland.
 
Si kastaba ha noqotee lama oga Sababta Dhalisay xanuunka C/laahi Xasan cali.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com