shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Cusub ee magaalada Muqdisho oo balan ku maray ladagaalanka Saboolnimada

(Muqdisho, Nov  06,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta lagaga dhawaaqay magaalo madaxda Muqdisho maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka Banaadir, maamulka Cusub ayaa waxaa madax looga dhigay nin macalin ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Nuur.

Gudoomiyaha cusub ayaa ah nin aan wax khibrad ah u lahay maamulka loo dhiibay balse ah nin mutacalim ah oo laga yaabo inuu ka dabaasha hawsha culus ee loo caleemo saaray.

Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa durdaba bilaabay meel marinta  talooyinkii Jaaliyadaha dibadu ku akhrinayeen safarkii ugu danbeeyay ee uu ku booqday qaar ka mida gobolada Maraykanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ayaa la waydiiyay waxa iyo meesha uu maamulkiisu ku fulindoona hawsha loo igmaday balse kusoo koobay hadalkiisa waxaan ku soo koray meel jeebkaaga aad ka soconasid sidaa awgeed jeebkayaga ayaan ka socon doonaa,  hadii EEBE ogolaado.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com