shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Urur adeegihii 4aad ee ay leeyihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston oo lagaga dhawaaqay Boston Sabtidii Nov 14, 2009ka

(Boston, Nov  16,  2009 Ceegaag Online)

Ururkan ayaa si toos ah uga shaqaynaya dar dar galinta hawlaha dumarka Soomaaliyeed kula qabsanayaan nolosha adag ee wadankan Maraykanka ayaa sabtidii lagaga dhawaaqay magaalada Caasimada Boston.

Ururkan ayaa waxaa someeyay gacantana ku haya Aqoonyahanad Deeqo Jabriil oo ka mida marwooyinka da'da yar ee reer Boston.

Ururkan ayaa waxaa dhamaan la Ogaysiinayaa umada Soomaaliyeeed ee reer Boston in gacmo furan lagu soo dhaweenayo iyada oo ay dadku ka heli doonaan dhamaan waxyaabaha fududeeya nolasha adag  ee wadanka maraykanka

Hadaba ha u daymo la'aanina.

Xafladii furitaanka iyada oo koobana waxa ay u dhacday sidatan.

Luul Gaalooti oo Buraanbur ka tirinasa xafladii gabadheedu ku furasay Urur 4aadkii u adeegaha Bulshada ee reer Boston.  Dhagayso

Luul Gaalooti oo uduceenasa Gabadha gabadheedu dhashay ee Mayran. Dhagayso

Deeqo oo Xaflada ka jeedinasa Qudbadii Furitaanka Dhagayso

Caasho (Joanna) oo odaygeedu garab taagnaa ahna Macalimad luqada Ingiirka ka dhigta UM Boston oo madasha ka hadlasa Dhagayso

Waxaa kale oo iyadana goobta ka hadlay Dr. Siraad  oo ku nuux nuuxsatay baahida loo qabo ururka sidan oo kale shaqadiisu tahay iyo baahida  haweenka Soomaaliyeed u qabaan siiba kuwa reer Boston.

Daawo Sawirada Xaflada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com